Soomaliya:-Mukhtaar Robow Oo Ahaa Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Alshabab Oo Isu Tagay Madaxwayne

0
Monday September 17, 2018 - 10:11:16 in by salman abdi
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya:-Mukhtaar Robow Oo Ahaa Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Alshabab Oo Isu Tagay Madaxwayne

    Mukhtaar Robow Oo Ahaa Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Alshabab Oo Isu Tagay Madaxwayne Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mukhtaar Robow Oo Ahaa Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Alshabab Oo Isu Tagay Madaxwayne Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Doorashada ayaa waxaa ku loolamaya mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka iyo Ganacsato dhowr ah.


Musharaxiinta aadka loo hadal hayo ayaa waxaa kamid ah wadaadka Mukhtaar Roobow oo horay u ahaan jiray Hogaamiye Ku-xigeenkii Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow oo dib uga toobad keenay dhibta uu ku heyn jiray shacabka Soomaaliyeed inta uu ku jiray Al-Shabaab ayaa ololo xoogan ugu jira sida uu ku noqon lahaa Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed.

 

Waxa uu xilka kula tartami doona mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid yahay Hogaamiyaha iminka xilka haya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ololaha Mukhtaar Roobow ayaa aad looga dareemayaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulk Koonfur Galbeed, waxaana waddooyinka magaalada Baydhabo ku hardhan sawirada Roobow.

 

Tabeelayaasha qaar ee magaalada Baydhabo waxaa lagu suray boorar kala ceyn ah oo lagu dalbanaayo cod siinta Roobow oo kamid ah musharaxiinta.

 

Musharaxiinta qaar ayaan wali dhajin boorarka ololaha, halka Roobow uu maalmo ka hor ku hardhay qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.

 

Sidoo kale, doorashada ka dhici doonta Koonfur Galbeed ayaa aad uga duwan kuwii hore, waxaana lasoo sheegayaa in musharaxiinta qaar ay wadato dowlada Somalia.

 

Dhinaca kale, Musharraxiinta tagay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Musharrixiin kale.