Dowladda oo uga digtay madaxda maamul gobolleedyada muddo korarsi

0
Monday September 17, 2018 - 17:15:49 in by salman abdi
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo uga digtay madaxda maamul gobolleedyada muddo korarsi

    Dowladda oo uga digtay madaxda maamul gobolleedyada muddo korarsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda oo uga digtay madaxda maamul gobolleedyada muddo korarsi

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu si dhaw ula socon doonto ilaalinta nidaamka federaaleynta, dhanka kalana waxaa ay ku baaqday in doorashooyinka ku soo foolka leh maamulada dalka ku qabsoomaan waqtiggii loogu talagalay.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dhignaa sidan :

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxaa ay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad goballeedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.