Jidda :-Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Eritrea oo kulmay

0
Tuesday September 18, 2018 - 09:52:59 in by salman abdi
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jidda :-Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Eritrea oo kulmay

    Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga waxaa markii ugu horreysay muddo toban sano ah ku kulmay madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga waxaa markii ugu horreysay muddo toban sano ah ku kulmay madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea.


Ismaaciil Cumar Geelle iyo Esias Afawarqi ayaa la filayay in ay heshiis nabadeed kala saxiixdaan balse ilaa haatan ma jiro wax heshiis ah oo ay kala sixiixdeen.

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan bin Cabdalcasiis ayaa fidiyay gogosha ay ku wada hadleen labadaas masuul.

Saxan saxo nabadeed oo ka billaabatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea ayaa u muuqda in uu ku faafay geeska Afrika.

Sidaadii labadaas dal ay u soo afjareen colaaddii xadka Badhume ee labaatanka sano soo jiitantay, waxaa heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Eritrea.

Intaas ka dibna saddexda wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa booqday Jabuuti si loo soo afjaro colaadda xadka ee Eritrea iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti iyo boqorka SacuudigaLahaanshaha sawirkaISMAIL OMAR GUELLEH

Dawladda Sacuudiga oo sii xoojinaysa arrintaas ayaana magaalada Jidda ku casuuntay labada madaxweyne ee Eritrea iyo Jabuuti.

Haddaba waxa ay isku hayaan labada dal iyo kulankooda waxaa inooga warramaya Maxamuud Cusmaan Bulxan.