Hargaysa:-Masuul Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Digniin U Diray Dadka Musuq Maasuqa Ku Dhaliila Madaxweynihii Hore Axmed Siilaanyo

0
Tuesday September 18, 2018 - 12:33:03 in by salman abdi
  • Visits: 413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Masuul Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Digniin U Diray Dadka Musuq Maasuqa Ku Dhaliila Madaxweynihii Hore Axmed Siilaanyo

    Gudoomiyaha hay'adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Axmed Xinif ayaa digniin u diray dadka dhaliila madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha hay'adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Axmed Xinif ayaa digniin u diray dadka dhaliila madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.



Fariinta gudoomiye Cabdikariin Xinif ayaa u dhignayd sidan "Waar hoy raggan waaweynow ciddii kale ee aad eryanaysaan ama wax ka sheegaysaan waa yeelkiin, Laakiin SIILAANYO iskaga hadha, haddii kale wallaahi nin walba kitaabkiisa ayaan anigu soo faqayaa oo dabagelayaa.
Gudoomiye Cabdikariin Xinif oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inaanu wax musuq maasuq ah samayn madaxweynihii hore, isaga oo ku hanjabay haddii la sii wado wado dhaliilaha loo jeedinayo uu isaguna soo bandhigi doono xubno kale oo musuq gaystay.

Odayga halla nabad geliyo ciddii kale ee aad daba gelaysaan idinkala hadli maayo.

 

Waar siilaanyo waxba muu musuqmaasuqin, kuwa siilaanyo ka hadlayow nin walowba waxaad qaadday iyo waxaad cid u qaraabo kiishayba waa laguu hayaa iyadoo qoran.

Hadalkayga kuwii eegan jirey siday doonaan ha u dhigaan, Hadda wixii ka danbeeya rag waaweyn ayaan juuq dhawrayaa