Inkabadan shan milyan oo ka tirsan carruurta Yaman oo wajahaya macaluul

0
Wednesday September 19, 2018 - 08:16:30 in by salman abdi
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inkabadan shan milyan oo ka tirsan carruurta Yaman oo wajahaya macaluul

    Inkabadan shan milyan oo ka tirsan carruurta Yaman oo wajahaya macaluul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkabadan shan milyan oo ka tirsan carruurta Yaman oo wajahaya macaluul

Hay'adda samafalka ee Save The Children ayaa sheegaysa in hal milyan oo ka mid ah carruurta dalka Yaman ay halis ugu jiraan macaluul, xilli qoysas badan oo reer Yaman ah ay la daalaa dhacayaan sidii ay u heli lahayeen cunnooyinka daruuriga ahi iyo sidoo kale sidii ay carruurtooda xanuunsan ku gaarsiin lahaayeen xarumaha caafimaadka.

Tiradani ayaa ka dhigeysa carruurta reer Yaman ee halista ugu jirta macaluusha 5.2 milyan oo canug.

Hay'addani Save The Children ayaa sheegeysa in boqolaal kun oo carruur ah ay haatan wajahayaan halis, xilli colaad hor leh ay ka soo cusboonaatay magaalada Xudeyda.

Qaramada Midoobey horey uga digtay in dalkaasi Yaman ay ka dhacdo jaagadii ugu xumeyd taariikhda, waa haddii bey tiri aan la helin keyd cunto, shidaal iyo sidoo kale gargaarka kale ee bani'aadanimo.

Coladda Xudeyda ayaa halis gelinaysa dekadda kaliya ee badeecadaha iyo gargaarka ay uga soo degaan 80% dadka dalka Yaman, taa oo qarka u saaran in ay xirmato haddii colaadda ay halkaasi ka sii socota, arrintaa soo sidoo kale halis gelineysa in sicirka cunnada iyo shidaalka uu cirka isku sii shareero.

Qiima dhaca ku yimid lacagta dalkaasi Yaman iyo burburka dhaqaale ee dalkaasi uu wajahayo ayaa qoysas badan halis u gelinaya gaajo iyo dhibaatooyin caafimaad, sida lagu sheegay warbixinta hay'adda the Save The Children.

Tan iyo sandkii 2015, waxaa 68% sara kacay qiimaha la kala siista cunnooyinka daruuriga ahi, iyadoo meelaha qaarna qiimaha cunnada uu laba jibaarmayo maalinba maalinta ka dambeysa.

Magaalada Xudeyda oo ay ku taal dekadda ugu weyn dalkaasi Yaman ayaa mid ka mid ah 25-kii cannug ee da'dooda ka yar tahay shan sano waxa uu wajahayaa nafaqadarro ba'an.

Colaadda dalkaasi ka jirta ayaa u suurtagelin la' carruur badan in la gaarsiiyo goobaha caafimaadka, iyadoo qoysaska qaarna ayba haysan kharash ay ku daweeyaan carruutooda xanuunsan.

Haweenka iyo carruurta ayay haysataa dhibaatada ugu ba'an ee haatan ka jirta dalkaasi.