Jarmalka:-Madaxii sirdoonka gudaha dalka Jarmalka oo lagu qasbay in uu isu casilo

0
Wednesday September 19, 2018 - 10:28:38 in by salman abdi
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka:-Madaxii sirdoonka gudaha dalka Jarmalka oo lagu qasbay in uu isu casilo

    Madaxa sirdoonka gudaha ee dalka Jarmalka Hans-Georg Maassen ayaa loo sheegay in uu shaqadiisa isaga tago isla markaasna xil sare oo kale ka qabto wasaaradda arrimaha gudaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa sirdoonka gudaha ee dalka Jarmalka Hans-Georg Maassen ayaa loo sheegay in uu shaqadiisa isaga tago isla markaasna xil sare oo kale ka qabto wasaaradda arrimaha gudaha.


Go'aanka dawladda ayaa yimid iyadoo muran cusub uu ka dhashay jawaabtii uu Maassen ka bixiyay daganaansho la'aantii qolyaha garabka midig ay ka sameeyeen magaalada Chemnitz ee bariga Jarmalka.

"Ugaarsi" loo gaysanayo dadka soo galootiga ah ayaa halkaas laga soo sheegay 26 Agoosto ka dib markii rag soo galooti ah ay dileen nin jarmal ah oo ay is dagaaaleen.

Maassen ayaa shaki ka muujiyay in dadka ajnabiga u eg la ugaarsanayo, hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaana amartay in xilka laga qaado.

Dadka dhaliishan ayaa sheegay in ka biyo diiditaankiisii ay kaalin ka ciyaartay rabshadihii darnaa ee ay gaysteen golyaha garabka fog iyo cago juglayntii ka dhacday Chemnitz.


Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @AZeckenbiss

Maassen ayaa ka tagaya hogaaminta hay'adda sirdoonka ee BfV wuxuuna noqonayaa wasiirka arrimaha gudaha.

Warbaahinta Jarmankuna waxay ku warramaysaa in uu hadda ka mushahaar badnaan doono. Ilaa iyo hadda ma cadda cidda badali doonta.

Jarmalka