Warbixin Cajiiba:-85 Jir Iska Difaacay Tuugo Hubeysan Oo Soo Weerartay

0
Wednesday September 19, 2018 - 10:32:01 in by salman abdi
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Cajiiba:-85 Jir Iska Difaacay Tuugo Hubeysan Oo Soo Weerartay

    Muuqaal ay duubeen kamarooyiinka qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya nin 85 jir ah oo uu tuug u so dhacay islamarkana la dagaallamaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuqaal ay duubeen kamarooyiinka qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya nin 85 jir ah oo uu tuug u so dhacay islamarkana la dagaallamaya.


Nin ay da'diisu tahay 85 sano oo awoowe labaad ah ayaa waxa internet-ka si weyn loogu shaacay ka dib markii uu la dagaallamay koox burcad ah oo isku dayeysay iney dhacaan hantidiisa, kuwaasi oo ku hubeysnaa qori fudud iyo burus.

Denis O'Connor ayaa Sabtidii marka uu falkaasi dhacayay ku jiray xafiis ku dhex yaalla baarka One Racing oo ku yaalla magaalada Glanmire, ee waddanka Ireland.

Saddex nin oo dhac u socday ayaa mar qura xoog ku soo galay albaabka meheradda baarkaasi.

 

Mid ka mid ah burcadda oo ka booday miiska ayaa handaday maamulaha goobtaasi ganacsi oo lagu magacaabo Tim Murphy, halka mid kalena uu qori nooca gacanta lagu qaato ah ku taagay Mr O'Connor.

Muuqaalka CCTV-ga ayaa laga arkayaa Mr O'Connor oo diidaya inuu u hogaansamo tuugada soo weerartay.

Ragaas oo wajiyada soo qarsaday ayaa meheradda galay saacaddu markii ay ahayd 6:00 waqtiga maxallig ah iyagoo dalbaday in la siiyo lacagtii ku jirtay maqalka.

Iyadoo Mr Murphy uu la dagaalamayay ninka ku handaday buruska ayuu Mr O'Connor isagana la agaallamayay mid kale.

Dhammaan ragii burcadka ahaa ayaa ugu dambeyntii isaga cararay goobta.

Muqaalkan ayaa soconayay 30 ilbiriqsi oo kaliya hase ahaatee waxaa internet-ka la iskula wadaagay boqollaal kun oo jeer.

Mr Murphy ayaa warbaahinta Ireland ee RTÉ u sheegay inuu waligiis ka mahad celin doono sida uu ninka howlgabka ah uga caawiyay fashilinta weerarkaas dhaca ah.

Ciidamada booliska ee Ireland ayaa muuqaalkaas u adeegsanayay iney ku soo qabtaan burcadda.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa shacabka kula taliyay ineysan ka fal celinin weerarrada noocaas ah, si aan waxyeello loogu geysanin.

Dhanka kale, Mr O'Connor ayaa u muuqda inuusan wax dan ah ka lahayn howlgalka uu sameeyay ee laga jecleystay dunida.

Warbaahinta RTÉ ayaa soo tabisay inuu ku gacan seyray codsiyo wareysi ah waxaana lagu soo waramay in subaxnimadii Isniinta uu ku mashquulsanaa ciyaarta loo yaqaanno pitch and putt.

Sources: BBC Somali