Xog-Xasaasiya Ah:-Itoobiya iyo ONLF oo wada-hadal uga furmay Asmara.

0
Wednesday September 19, 2018 - 11:49:25 in by salman abdi
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-Xasaasiya Ah:-Itoobiya iyo ONLF oo wada-hadal uga furmay Asmara.

    Xog-Xasaasiya Ah:-Itoobiya iyo ONLF oo wada-hadal uga furmay Asmara.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-Xasaasiya Ah:-Itoobiya iyo ONLF oo wada-hadal uga furmay Asmara.
Wada-hadallo nabadeed ayaa magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea uga furmay dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF,iyadoo diirrada lugu saarayo qaababka uu noqon karo heshiis dhexmara labada dhinac, sida u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Itoobiya.

Wafdiga isku dhafka ah ee dowladda Itoobiya ku matalaya wadahadalka waxaa hoggaaminaya wasiirka Isgaarsiinta Axmed Shide, waxaa kalo ka mid ah madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumar Cagjar iyo xubno kale oo ka tirsan mas'uuliyiinta maamulka Soomaalida.

Jabhadda ONLF waxaa wada-hadalka uga qaybgalay xubno sare oo u hoggaaminayo guddoomiyaha jabhadda ,Admiral Maxamed Cumar .


"Wadahadalka waxaa lugu gaarey is fahan guud si hore loogu sii socdo ,iyadoo dhamaan la isla dhameystiri doono qodobbada laga wada-hadalay." ayaa lugu yiri hadal kooban oo ka soo baxay jabhadda ONLF.

Wada-hadallada Itoobiya iyo ONLF ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay cafis u fidisay urarradii mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeday isla markaasna waxaa laga saaray liiska argagixisada.