Guddiga Doorashada dalka Congo oo ansixiyay musharaxiin 21 gaaraya.

0
Thursday September 20, 2018 - 09:50:54 in by salman abdi
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashada dalka Congo oo ansixiyay musharaxiin 21 gaaraya.

    Guddiga Doorashada dalka Congo oo ansixiyay musharaxiin 21 gaaraya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashada dalka Congo oo ansixiyay musharaxiin 21 gaaraya.

Guddiga doorashooyinka ee dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ayaa shaaciyay tirada musharixiinta ku tartami doona doorashada madax-tinnimada ee muddada dheer la sugayay.

Ilaa 25 musharax oo doonayay in ay u tartamaan doorashadan ayaa codsiyadooda u gudbiyay golahani basle 21 musharax oo kaliya ayaa codsiyadooda la aqbalay halka afarna la diiday.

Wax weyn oo lala yaabo ma ahan in gudiga doorashooyinka ee Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo uu si rasmi ah u ansixiyo 21 murashax oo u taagan doorashada lagu wado inay qabsoonto bisha Disember ee sanadkan.

Murashaxiintaan ayaa waxaa ka mid ah Emmanuel Ramazani Shadary oo uu wato madaxweyne Joseph Kabila iyo musharaxa mucaaradka Felix Tshisekedi iyo Vital Kamerhe.

Labada hogaamiye ee ugu cad cad mucaaradka Congo Jean Pierre Bemba iyo Moise Katumbi ayaa laga mamnuucay inay qeyb ka noqdaan tartanka doorasho.

Cid walba haatan waxa ay sugeysaa inay aragto haddii mucaaradka la kala dhantaalay ay awoodi doonaan inay ku daba saftaan hal musharax sida ay horey u sheegeen.