In ka badan 40 qof oo ku dhimatay Doon weyn oo ku rogmatay dalka Tanzania.

0
Friday September 21, 2018 - 09:12:57 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In ka badan 40 qof oo ku dhimatay Doon weyn oo ku rogmatay dalka Tanzania.

    In ka badan 40 qof oo ku dhimatay Doon weyn oo ku rogmatay dalka Tanzania.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan 40 qof oo ku dhimatay Doon weyn oo ku rogmatay dalka Tanzania.

Ugu yaraan 40 qof ayaa dhimatay kaddib markii Doon weyn oo kuwa rakaabka ah oo ay saarnaayeen boqolaal qof ay ku degtay haraha Lake Victoria ee waddanka Tanzania.

Mid ka mid ah saraakiisha dowladda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in tirada dadka Doonidu la rogmatay ay suuragal tahay inay ka badan tahay 200 oo qof.

Dedaaladda lagu soo samatabixinayo dadkaasi ayaa hakad uu galay ilaa aroortii hore ee saaka oo Jimca ah.

Doonta weyn ee MV Nyerere ayaa ku gadoontay meel u dhaw labada inta u dhexeyso labada jazeeradood ee Ukora iyo Bugolora.

Waxaa loo maleynayaa in sababta doontu ay u rogmatay ay tahay iyada oo si xad dhaaf ah loo raray kaddib makrii dadkii saarnaa ay dhinac ula liicday kaddibna ay gadoontay.

Saraakiisha xukuumadda Tanzania ayaa sheegay in doontu ay siday in ka badan 400 oo qof oo rakaab ah.

Ku dhawaad 100 qof ayaa lasoo samatabixiyay halka 32 qof oo kalena la sheegayo inay xaalad adag ku sugan yihiin.

Inkasta oo tirada rasmiga ah ee shilkan uu khasaaruhu kasoo gaaray aanan wali la xaqiijin ayaa haddana wakaalada wararka ee Reuters waxa ay sheegtay in qofkii qeybinayay tikidhada doonta uu ka mid yahay dadka geeriyooday, iyada oo sidaasina ay ku luntay mashiinkii keydinayay xogta rakaabka saaran doonta.

.Lahaanshaha sawirka.
Image caption.

" Waxaan ALLAH weydiisaneynaa inuu quluubta noo dejiyo xiligaan oo kale," ayuu yiri komiishanarka gobolka Adam Malima oo la hadlay weriyayaasha.

Dadka deegaanka ayaa kusoo biiray kooxaha gurmadka degdega ah xili dedaalada samatabixinta ay soconeynayeen illaa shalay galab Khamiistii.

Dalka Tanzania ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay musiibooyinka badda, taasi oo ka dhalatay inta badan rakaabka xad dhaafka ah.

Sanadkii 2012-kiii, ugu yaraan 145 qof ayaa dhimatay kaddib markii doon weyn oo si xad dhaaf ah loo raray ay degtay, xilli ay dadka rakaabku isaga gooshayeen jazeerada Zanzibar ee Badweynta Hindiya.

Saddex sano ka hor, ku dhawaad 200 oo qof ayaa ku geeriyooday shil kale oo cuslaa kaasi oo ka dhacay xeebta Zanzibar. Boqolaal qof ayaa badbaaday kuwaasi oo kusoo booday joodariyaal iyo faranjeero.

Sanadkii 1996, in ka badan 800 oo qof ayaa dhimatay kaddib markii ay ku degtay doonta MV Bukoba haraha Victoria. Shilkaasi ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa musiibooyinka doomaha rogmaday ee dhacay qarnigii lasoo dhaafay.

Dad is xilqaamay oo caawinaya kooxaha gurmadka degdega ahLahaanshaha sawirkaSTEPHEN MSENGI
Image captionDad is xilqaamay oo caawinaya kooxaha gurmadka degdega ah
Doonta ayaa la sheegay in si xad dhaaf ah loo rarayLahaanshaha sawirkaSTEPHEN MSENGI
Image captionDoonta ayaa la sheegay in si xad dhaaf ah loo raray
Dadweyne badan ayaa goobjoog u ahaa dedaalada samatabixinta ee ka soconayay jazeeradaLahaanshaha sawirkaSTEPHEN MSENGI
Image captionDadweyne badan ayaa goobjoog u ahaa dedaalada samatabixinta ee ka soconayay jazeerada