Maxaa Sabab U Ahayd Inuu C/wali Gaas Ku soo Dhiirado Bariga Gobolka Sanaag.

0
Friday September 21, 2018 - 09:12:57 in by salman abdi
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sabab U Ahayd Inuu C/wali Gaas Ku soo Dhiirado Bariga Gobolka Sanaag.

    Maxaa Sabab U Ahayd Inuu C/wali Gaas Ku soo Dhiirado Bariga Gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sabab U Ahayd Inuu C/wali Gaas Ku soo Dhiirado Bariga Gobolka Sanaag.

 

Hogaamiyaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo wefti uu hogaanimayo ayaa socdaal ku tegay magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag kuwaasi sida ay sheegteen dhagax-dhig ku sameeyey wado deegaankaasi laga dhisaayo iyo Sidoo kale xadhig ka jarida Jaamacada laga hir-galiyey Magaalada Badhan. Jaamacada Maakhir oo dhismaheedu ka kooban tahay ilaa 7 qaybood ayaa qaybta hore waxa la-bilaabay sanadii 2010-kii, waxaana markii hore lagu bilaabay hab iska-wax-u-qabso ah oo ay hormuud ka ahaayeen Bulshada ku dhaqan magaalada Badhan, laakiin dhismaha cusub ayaa isaga la bilaabay sanadkii 2015. kaasi oo qeyb ka ahaa deeq ay bixisay Dowladda Kuweyd.Hadaba Badhan oo ah magaalo ka midda Somaliland, Ayaa ahayd markii hore Mid aanay Abdi-weli gaas iyo cidkale la mid ahiba aanay weligood soo haweysan, laakiin waxaa isweydiin leh: Maxaa xiligan ku soo beegay in Ay maamulka yar ee Puntland ku soo dhiirato .

 

Maxaase iska badalay Awoodii iyo siyaasadii Jamhuuriyada Somaliland ka hortaga faro-gelinta lagu sameeyey gudaha dhulka S/land.
Si kasta oo ay tahay. waxaa dabo-gal ku sameysay shebakadda Burco-online safarka cabdi-weli gaas ku tegay Magaalada Badhan ee gobolka sanaag, waxaan ku ogaanay in Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-salaan Suldaan Maxamuud Cali Shire. ahaa shaqsigii abdi-weli gaas u suurta-geliyey inuu Yimaado Magaalada Badhan.Sidaas awadeed, waxa jira sababo badan oo ka qayb-qaatay.

Sida ay warbaahinta Burco-online ay u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo waxaa gabi ahaanba uu ahaa marka hore Safarka Abdi-weli mid khuseeyey Doorashada la filaayo inay dhawaan ka dhacdo Maamul-Goboleedka Puntland. dhinaca kale Marka Aad U Fiirsato Shirka la leeyahay golaha
maamulkiisa ayaa loogu qabtay Badhan Iyo Safarka Abdi-weli gaas oo shalay ku tegay badhan kuna furay jaamacad aanu waxba ku lahayn iyo hadalkii Suldaan Siciid ee furitaanka munaasbada xadhig jarka jaamacada . Ayuu suldaanku xusay in Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu yahay Masuulkii ugu horeeyay ee horumar intaas le’eg ka hir-galiya Gobolka Sanaag, iyadoo sidoo kale la odhan-karo Suldaanka waxaa Ka Dhex Muuqatay hadaladiisa tabasho badan oo uu ka tirsaday hanaanka siyaasadeed Somaliland.

Iyadoo markiiba Madaxda ugu sareeysa Somaliland muxaafid iyo mucaarad, Ay socdaalkaasi Abdi-weli ee Badhan ku tilmaameen xad-gudub ay ku sameysay dowladda uu ka tirsan yahay ee Soomaaliya. Waxaynay xuseen inaan hadda loo baahneyn khilaaf siyaasadeed oo uu abuuro socdaalkani. taasi oo ay Dowlada Farmaajo ku eedeeyeen inay dabada ka soo riixayso arrintani.

Xukuumaddii uu hoggaaminaayey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Ayaa waxa ka mid ahaa wax-qabadkii balaadhnaa ee ay ka fulisay Bariga Gobolka Sanaag laba Ceel waxa Ayna ka qoday Badhan oo aan hore uga jirin, sidoo kale laba ceel waxa iyadana laga qoday Ceel-nuug oo riigga oo aan hore u jiri-jirin, dhinaca Horumarinta Kalluumaysiga Laas-qoray sadex- jeer ayaa Matooro iyo shabaagtii ay ku shaqaysanayeen loo geeyey, Sidoo kale labada magaalo ee Laasqoray iyo Badhan midba waxa loo geeyey hal Ambalaas oo degaanada ka fog loogu shaqeeyo ama dadweynaha degaankaasi loogu talo galay, Laas-qoray markii ugu horeeysay ayaa Cusbitaalkeedii laga shaqeysiiyey oo uu shaqaynayaa.Dhinaca kale degaankaasi bariga Gobolka Sanaag ,Ayaa intii ay Somaliland jirtay. Madaxweyne qaran oo taga waxa ugu horeeyey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”

Madaxweyne Biixi haddii aad hadda soo toostay waxaa loo baahan yahay isbadal siyaasadeed degdeg ah, siiba safarkan abdi-weli gaas waxii ka dambeeya dowladda aad hogaamiso waa inay bilowdaa ka fikirka sidii :Siyaasad iyo Horumar Gobollada Bariga gaar ahaan Sool iyo Sanaag si gaar ah wax loogu qaban-lahaa. iyo dhameystirka heshiis Somaliland la gashay Prof Ali Khaliif (khaatumo). looma baahna ka gaabsashada arrimaha talooyin qaran ee looguu soo jeediyo oo anaad dheg jalaq u siin.

Mudane madaxweyne waxaad kaloo markasta maskaxda ku haysaa xukuumada aad soo dhistay kalsooni kama haysato, shacabkii ay u adeegi lahayd. Markaan dib ugu laabanno haykalka ama qaab-dhismeedka xukuumadda Aad hore u soo dhistay. dad badani sheegaan inay tahay xukuumad liidata oo anay xubnaheeddu saamayn ku lahayn Bulshadii ay ku metelayeen laakiin ay kuraasta iskaga fadhiyaan , taasi oo inta badan Shaqadoodu aanay muuqan.