Safiirka Somaliland Ee Kenya Oo Waraysi Dheer Siiyey Wargeyska Daily Nation.
iyo xubno kamid ah xukumadda Kenya.
Wargeyska Daily Nation oo warbixin dheer ka qoray kulankan ayna idin soo turjuntay shabakadda Ilaysnews ayaa sheegay in safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Cumar uu kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan dawladda Kenya iyo ganacsato, waxaanay warbixinteedan ku sheegtay in uu kulankaasi ahaa mid lagu doonaayey in lagu hagaajiyo xidhiidhka Somaliland iyo Kenya.
Wargeyska oo soo qaatay hadal uu jeediyey safiirku ayaa sheegtay in uu safiirku sheegay in la hagaajin doono wada shaqaynta dawladaha Kenya iyo Somaliland ee dhinacyadda Ganacsiga,sidoo kalena ay ka wada shaqayn doonaan labada dawladood sidii loo ilaalin lahaa amaanka gobolka iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa boqolaal kun oo dhalinyaro ah.
Waxa kale oo safiirku sheegay in ay doonayaan in ay ka wada shaqeeyaan dhinacyadda Waxbarashadda, Beeraha, Ganacsiga iyo Caafimaadka.
" waxa jira meelo aanu doonayno in aanu ka wada shaqayno, aniga oo aaminsan in aanu dhowaan ka takhalusi doono kala qaybsanaanta labada dal ka dhex jirta, sidoo kalena aanu furi doono goob bananaoo ay dadkayagu u maraan labada dal”. Ayuu yidhi Safiir Cawil.
Safiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday maalgelinta Dekedda Berbera ee shirkadda Dp World, isaga oo sheegay in dad gaadhaaya 18,000 oo reer Somaliland ahi ku nool yihin dalka Kenya, loona baahan yahay in ay ka faa’idaystaan maalgelinta ka socota dalkooda, iyada oo la qorshaynaayo in dekedda Berbera ay noqoto mid quudisa wadamada gobolka .
Waxa kale oo uu sheegay in shirkadda Dp World ay ku maal gelinayso dekedda Berbera lacag dhan $44f2 Million, taas oo noqon doona mid kamid ah dekedaha quudiya Afrika.
Sidoo kale waxa uu safiirku sheegay in ay dekeddu awood u lee dahay in ay isku xidho Yurub, Aasiya iyo Barriga Dhexe iyo weliba Afrika .
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan mashaariic badan oo Somaliland laga hirgeliyey, kuwaas oo ay kamid yihiin shirkadda Coca Cola oo laga furay Somaliland, soona saarta Coca-ha lagu iibiyo Somaliland, taas oo lagu maalgeliyey lacag dhan $17 Million oo Dollar, waxa kale oo warbixintan lagu sheegay inay Somaliland ka shaqeeyaan diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai labaduba ka shaqeeya Somaliland.
Safiirka Somaliland Ee Kenya Oo Waraysi Dheer Siiyey Wargeyska Daily Nation.
Safiirka Somaliland Ee Kenya Oo Waraysi Dheer Siiyey Wargeyska Daily Nation.