Soomaliya:-Shirkii Labaad Ee Madaxweyne Farmaajo Soo Jeediyo Oo Baaqday Iyo Sababaha Fashiliyey

0
Monday September 24, 2018 - 10:38:50 in by salman abdi
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya:-Shirkii Labaad Ee Madaxweyne Farmaajo Soo Jeediyo Oo Baaqday Iyo Sababaha Fashiliyey

    Waxa markii labaad baaqday shir uu ku baaqay madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya, kaas oo ay iskugu iman lahaayeen madaxda khilaafku kala irdheeyey ee maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa markii labaad baaqday shir uu ku baaqay madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya, kaas oo ay iskugu iman lahaayeen madaxda khilaafku kala irdheeyey ee maamulka Galmudug.


Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkaasi qorsheeyey inuu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka oo maanta ku beegan, kaas oo aan qabsoomin.


Waa markii labaad oo uu dhici waayo shir uu ku baaqay madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi FarmaajoMadaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku gacan saydhay kulanka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo, waxaanu sheegay in khilaafka ka dhex taagan maamulka Galmudug uu yahay mid laga soo abaabulay madaxtooyada soomaaliya.

 iyada oo uu hore u dhicisoobay shirkii amniga qaranka ee uu ugu baaqay inay iskugu yimaadaan madaxda dawlada goboleedyadu.

 

Dawlada soomaaliya ee ay hogaaminayaan Farmaajo iyo raysal wasaarihiisu ayaa dhex dabaalanaysa mucaaridad xoogan oo kaga imanaysa madax maamul goboleedyada oo dhawaan shaaciyey inay xidhiidhkii u jareen dawlada federaalka ah, iyada oo aan ilaa hada xal loo helin khilaafka taagan marka laga reebo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo isagu sheegay inuu si madax banaan ula heshiiyey dawlada federaalka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in xalinta khilaafka Galmudug uu uga baaqday ka qeyb-galka shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey, laakiin hadda waxaa muuqaneysa ay meesha ka baxday doonistii madaxweynaha ee aheyd in shir leysugu keeno dhinacyada isku haya hoggaanka Galmudug.