Isbarbar Dhiga Tayada Ay Leeyihiin Golihii Wasiirada Ee Ugu Horeeyey Ee Xukuumadii Siilaanyo Iyo Dawlada Wakhtigan Ee Muuse Biixi

0
Tuesday September 25, 2018 - 12:28:06 in by salman abdi
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbarbar Dhiga Tayada Ay Leeyihiin Golihii Wasiirada Ee Ugu Horeeyey Ee Xukuumadii Siilaanyo Iyo Dawlada Wakhtigan Ee Muuse Biixi

    Isbarbar Dhiga Tayada Ay Leeyihiin Golihii Wasiirada Ee Ugu Horeeyey Ee Xukuumadii Siilaanyo Iyo Dawlada Wakhtigan Ee Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbarbar Dhiga Tayada Ay Leeyihiin Golihii Wasiirada Ee Ugu Horeeyey Ee Xukuumadii Siilaanyo Iyo Dawlada Wakhtigan Ee Muuse Biixi

Gole Xukuumadeed oo kastaa waxa uu tamariyaa hadba xubnaha ku jiraa sida ay u kala aqoon, Khibrad iyo waayo aragnimo badan yihiin waxaana in badan shacabka gaar ahaan dadka siyaasadda ka faalloodaa ka hadlaan rag iyo haweenba Goloyaashii xukuumadeed ee dalka soo maray iyo sida ay u kala duwanaayeen ee Madaxweynayaasha xilalka soo maray ugu kala xusheen.

 

Marka aan si gaar ah uga hadalno xukuumadihii xisbiga KULMIYE, Dad badan ayaa is barbar dhig ku sameeya xukuumaddii uu markii ugu horraysay soo Xushay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo tan uu markii la doortay soo xushay Madaxweynaha hadda qaranka hogaamiya Md.


Muuse Biixi Cabdi iyo farqiga u dhaxeeya dhinacyada aqoonta, Khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin dalka iyada oo in badan xukuumadda wakhtigan joogta xubno badan oo ka mid ah lagu dhaliilo waayo aragnimo la’aan, aqoon la’aan iyo khibrad aanay dad iyo dal toona u lahayn taasi oo dhaawac weyn u gaysan karta hammi kasta oo ay lahayd in ay xukuumaddani xaqiijiso.

 

Wargeyska Foore Waxa uu is barbar dhig ku samayn doonaa oo aan bulshada arrintaasi inta badan faaqidda la wadaagi doonaa magacyada Golaha Wasiirrada ee wakhtigan Madaxweyne Muuse u cugtay dawladnimada iyo golihii ugu horreeyey ee Siilaanyo badka keenay markii uu talada dalka la wareegay July 2010-kii.

Liiska xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo:

  1. Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Yoonis Cawaale
  2. Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, W/Xigeenkiisa Cismaan Garaad Soofe
  3. Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Ku Xigeenkiisa Warsame Siciid Cabdi
  4. Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid Cali Cabdi Saa’iq
  5. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Samsam Cabdi Aadan, Ku Xigeenka Cali Xaamud Jibriil
  6. Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, Nimco Xuseen Qawdhan
  7. Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr. Sacad Ali Shire
  8. Gaashaandhiga , Axmed Xaaji Cali Cadami
  9. Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed
  10. Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr.Axmed Xaashi Oday
  11. Boosaha iyo Isgaadhsiinta , Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed
  12. Cadaalada iyo Garsoorka, Prof Ismaaciil Muumin Aare
  13. Diinta iyo awqaafka, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed
  14. Shaqada iyo Ariamaha Bulshada, Ilhaan Maxamed Jaamac
  15. Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan
  16. Macdanta Biyaha iyo Tamarta, Dr. Xuseen Cabdi Ducaale
  17. Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka, Maxamed Xaashi Madar
  18. Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud
  19. Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi
  20. Warfaafinta, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

Liiska xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi:

  1. Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah
  2. Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Waxbarshada
  3. Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta
  4. Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha
  5. Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga
  6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada
  7. Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada
  8. Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta
  9. Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha

10 .Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud

11. Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha

12.Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha

13.Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada

14.Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada

15.Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga

16.Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga

17 . Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta

18.Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka

19.Saleeban Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasarada Biyaha

20.Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta

21.Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka

22.Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha

23.Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka

Si kastaba ha ahaatee waxa marag ma doon ah in xukuumad walba lagu xasuusan doono waxa ay qabato iyo hannaanka ay dalka ugu hogaamiso wakhti shacabka Somaliland walaac weyn ka qabaan in xisbiga KULMIYE xukuumadihiisii kala dambeeyey ay dalka ka hir galiyaan dawlad wanaag iyo waxqabad umaddu ku majeerato.