Been Abuurka Laga Sameeyey Falaasadaha Shaaha Lagu Shubto Oo Fashilmay
Been Abuurka Laga Sameeyey Falaasadaha Shaaha Lagu Shubto Oo Fashilmay
Kumanaan Qoys oo Kamid ah Bulshada Soomaalida ayaa dib u bilaabay in ay Kiyuu u galaan Dukaamada Waaweyn iyo Carwooyinka Weelka iyo Wiciyadaha Lagu iibyo Si ay uga Soo iibsadaan Falaasadihii ay Dhawaan iska jajabiyeen ee Loogu Sheegay in ay Gudaha ugu jirto Kiniin Sun ah.
Haddaba Dib u iibsiga iyo Qaadashada Falaasta ayaa noqotey mid siweynlooga dareemayay maalmihii lasoo dhaafey kadib markii uu fashilmay been abuurkii hore looga baahiyay oo kasoo bilaabmey Gobolka Wajeer ee Soomaalida Kiiniya, taas oo Soo gaadhey Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo hooyooyin tirra badan oo kasoo jeeda qoyasaska aadka u ladani Rumeysteen Been abuurkan ku faafey guud ahaanba Dhulka Soomaalidu degto maadaama ay boqlkiiba boqol Soomaalidu isticmaasho cabitaanka Shaaha islamarkaana, ay Falaasta u Isticmaalaan Ku shubashada Shaaha, oo Qoys kasta Saamayn ku leh kana mid ah weelka ay sida joogtada ah u Isticmaalaan.
Been abuurka laga faafiyay Falaasadaha Shaaha Lagu Shubto, oo aan ilaa iyo hadda la garaneyn Sababta loogu soo dhex tuurey Bulshada Soomaalida ah islamarkaana,horaantii aad loogu baahiyey baraha Bulshadu ku kalanto ee Facebook
ayaa, loo maleynayaa in ay ku Xidhiidhsaneyd Dagaalada Dhinaca Ganacsiga ee Loolanka Ganacsatada udhexeeya inkastoo aan Si dhab ah loo xaqiiqsan halka ay dhab ahaan ka timid been abuurkani haseyeeshee,looga faa.ideystay Caadifada iyo degdega hubsiimo la.aanta ah ee Soomaalida khusuusana haweenka oo Markiiba si fudud isugu gudbiya Wararka kutiri kuteenka ah.
Sida aynu soo sheegnay Caasimada Hargeysa oo been abuurkani boqolaal qoys saameeyay Waxa si hubsiimo la.aan ah u jajabiyey falaasadihii ay Shaaha ku Shuban jireen hooyooyin Tira badan oo aaminay in gudaha Labada gal ee Quraaradda Falaasta uu kujiro kiniin Sun ah taas oo goor dambe la xaqiiqsadey in aaney in aaney kiniin iyo Daawo midna shaqo ki laheyn.
Shabakadda Wararka hadhwanaagnews oo u kuur gashey been abuurkan iyo Qoyasaska uu Saamaynta ku yeeshay, ayaa Xogwareysi la yeeshay Qaar kamid ah Hooyooyinka markii hore jajabiyey Falaasyaddii ay u isticmaali jireen Ku Shubashada Shaaha ha ubadnaadeen Qoyasaska ugu ladan Bulshada dhexdeeda ee Waaxyaha iyo Degmooyinka ay ka kooban tahey.
"Aniggu Waxaan kamid ahaa hooyooyinka markiiba jajabiyey falaasyaddii Guriga anigoo kala baxsanaya in odaygeyga iyo Wiilashaydu ku Xanuunsadaan iyo Qoyskuba laakiin Waxaa ila yaabey odeyga oo Aqoonyahan ah Waxaanu qaadey Wixii kiniinka lagu Sheegayay Dhakhtarka ayuu u geeyay Waxaanu noqdey been Waxaase layaab igu noqotey markii aan arkey iyaddoo kiyuu loogu jiro In falaasyadii dinmb looga iibsanayo Tukaanadii Weelka iyo Wiciyadda oo islaan Waliba iibsaneyso noocyadooda Qaaliga ah Waxaan ka calool Weyday Qoys danyar ah oo aanu daris nahey oo aan anigu Warkan gaadhsiiyay Waxaanan u iibiyay laba Falaas aniguna Shan ayaan isla jajabiyey" Sidaa Waxa tidhi Hooyo Sahra Xasan Cabdi oo kamid ah Qoysaska Caasimada Hargeysa ee Deggan Xaafada Boqol Kontonka.
Shirkada ugu Weyn ee Keenista iyo Ka Ganacsiga Falaasyadda iyo Wiciyadda Weelka ee gaadhsiisa Dalal badan oo Geeska Afrika ah Seed Company oo hadhawanaagnews isku Deyday in aanu Wax ka Weydiino Been abuurkan Falaasta Shaaha lagu Shubto laga faafiyey si ay Soomaalida uga siiyaan Macluumaad dheeraad ah Maadaama ay kamid tahey Weelka ay Sida joogtada ah u Isticmaalaan Qoys Waliba ayaaney noo Suurtgalin Maadaama aanu Weynay Masuuliyiinta Guud ee Shirkadaasi.
Sikasta oo ay tahey, Wararka been abuurka noocan ah ee Khasaaraha soo gaadhsiiyay Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa, haddana Waxa lala yaaban yahey in aan Wali la aqoonsan halka uu Salka ku hayo iyo Cida ka dambeysa fikrada lagu faafiyay.
Been Abuurka Laga Sameeyey Falaasadaha Shaaha Lagu Shubto Oo Fashilmay
Been Abuurka Laga Sameeyey Falaasadaha Shaaha Lagu Shubto Oo Fashilmay