Guddiga difaaca Baarlamaanka oo su'aalo waydiinaya Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamadda

0
Thursday September 27, 2018 - 13:55:50 in by salman abdi
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga difaaca Baarlamaanka oo su'aalo waydiinaya Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamadda

    Guddiga difaaca Baarlamaanka oo su'aalo waydiinaya Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga difaaca Baarlamaanka oo su'aalo waydiinaya Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamadda
Guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah u yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada militariga inay horyimaadaan golaha , si su’aalo looga waydiiyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dilal ee magaalada Muqdisho oo ay gaysteen ciidamadda dowladda.

Xoghayaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay madaxda dowladda lagula xisaabtami doono dilalka ay ciidamada gaysanayaan, wuxuu inta ku daray in Wasiirka Gaashandhigga iyo taliyeyaasha su’aalo dhowr ah ka weeydin doonaan dhibaatoyinka soo laab laabtay oo ay geystaan ciidamadda dowladda.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa dhowr mar soo saaray go'aano mamnuucaya ciidamada aan howlgallada ku jirin inay hub ku dhex-qaatan gudaha caasimadda Muqdisho, balse ma jiro wax ka hirgalay go'aamada.

Askarta dowladda ayaa aad loogu dhaleeceeyay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho , waxaa ka mid ahaa gabar sagaal sano jir ah oo toddobaadkii hore lagu toogtay Muqdisho, kaddib markii askari katirsan dowladda oo uu rasaas ku furay gaadiid kalle, xilli ay ka yimaadeen iskuulka ay wax ku baranayeen.