Interpol Oo Fariin U Dirtay Dawladda Shiinaha,Su'aalona Weydiisay
Interpol Oo Fariin U Dirtay Dawladda Shiinaha,Su'aalona Weydiisay
Booliska Caalamka ee Interpol ayaasi rasmi ah u weydiiyey dawladda dalka Shiinaha in ay cadayso halka uu ku dambeeyey madaxii ciidamada Booliska caalamka ee Interpol Mingi Huwaanji.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Interpol ayay ku sheegtay in ay si caadi ah uga codsatay dawladda Shiinaha in ay cadayso halka uu ku dambeeyey madaxii Hay’adda Booliska caalamka ee Interpol Men Honway.
Waxaana warsaxaafadeedkan lagu sheegay in xoghayaha guud ee Interpol uu jawaab ka sugaayo saraakiisha dawladda Shiinaha ,taas oo ay ku cadaynayaan halka uu ku dambeeyey madaxii Booliska Adduunka oo ilaa hadda la la’yahay.
Qoyska Men Honway ayaa ku dhawaaqay in ay waayeen Men Honway kadib markii uu tegey dalka Shiinaha oo uu u dhashay, sidoo kalena aanay wax is gaadhsiin ah ka helin tan iyo bishii September .
Interpol Oo Fariin U Dirtay Dawladda Shiinaha,Su'aalona Weydiisay
Interpol Oo Fariin U Dirtay Dawladda Shiinaha,Su'aalona Weydiisay