Xuutiyiinta Yemen Oo Xabsiyadda Dhigay Dumar Dibad Baxaayey, Halka Kuwo Kalena La La'yahay

0
Sunday October 07, 2018 - 09:04:26 in by salman abdi
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuutiyiinta Yemen Oo Xabsiyadda Dhigay Dumar Dibad Baxaayey, Halka Kuwo Kalena La La'yahay

    Xuutiyiinta Yemen Oo Xabsiyadda Dhigay Dumar Dibad Baxaayey, Halka Kuwo Kalena La La'yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuutiyiinta Yemen Oo Xabsiyadda Dhigay Dumar Dibad Baxaayey, Halka Kuwo Kalena La La'yahay

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta wadanka Yemen ayaa xabsiga dhigay haween aad u badan

, kuwaas oo wax ka dhigta jaamacadda Sanca University , waxaanay haweenkan ku eedeeyeen kooxdani in ay ka qayb qaateen muddoharaad ka dhaxay degmadda Subayri ee magaaladda Sanca.


Muddaharaadkan ayaa ahaa mid lagaga soo horjeeday Xuutiyiinta, waxaana kala kexeeyey dadkaasi mudoharaadaayey ciidamada Xuutiyiinta ee magaaladaasi Sanca ku sugan.

 

Wasiirka Xuquuqal Insaanka ee dawladda Yemen Dr Maxamed Askar ayaa sheegay in Xuutiyiintu bilaabeen in ay badhtilmaameedsadaan Dumarka, isaga oo sheegay in ay masuul ka yihiin xoogaga Xuutiyiintu dumarkaasi ay xidh xidheen.

 

Kooxdan Xuutiyiinta ayaa wadooyinka kusoo daayey Taangiyo iyo gawaadhi kale oo kuwa ciidamada ah, iyaga oo doonaayey in ay joojiyaan mudaharaadkaasi.

 

Nuura Al-Jarwi oo ah madaxa ururka Dhalinyaradda ee dalkaasi ayaa sheegtay in la xidh xidhay ilaa 15 hablood , kuwaas oo loo qaaday meel aan ilaa hadda la garanayn , iyada oo sidoo kalena cadaysay in loo baahan yahay in bulshadda caalamku wax ka qabato tacadiyadda ka dhanka ah dumarka ee ay xuutiyiintu dalkaasi ka wadaan.