Daawo:-Cabdi Maxamuud Cumar Oo Markii Saddexaad Maanta Maxkamad La Hor Keenay.

0
Monday October 08, 2018 - 18:52:42 in by salman abdi
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:-Cabdi Maxamuud Cumar Oo Markii Saddexaad Maanta Maxkamad La Hor Keenay.

    Daawo:-Cabdi Maxamuud Cumar Oo Markii Saddexaad Maanta Maxkamad La Hor Keenay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:-Cabdi Maxamuud Cumar Oo Markii Saddexaad Maanta Maxkamad La Hor Keenay. Madaxweynihii hore ee dowladdeegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ka soo muuqday markii saddexaad maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.



Hoggaamiyihii hore wuxuu wajahaya eedeymo la xidhiidha xad gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kicinta rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo deegaanno kale, waxaa inta dheer in sidoo kale loo haysto musuqmaasuq.


 

 

Cabdi Maxamuud , haddii lugu helo eedeymahan waxaa la sheegay inuu ku muteysan karo xabsi waqti dheer ah,in kasto markii u dambeysay ee maxkamad la horkeenay uu dalbaday in cafis loo fidiyo, isagoo marka si gaar ah dalabka ugu diray ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.



Ilaa hadda ma cadda in maxkamadda ay maanta go'aan ka gaadheyso dacwada loo heysto hoggaamiyihii hore ee deegaanka Soomaalida, waxaana ku sugan maxkamadda xubno ka tirsan qoykiisa, eheladiisa iyo qareenno u doodaya oo ka qaybgalay dhageysiga maxkamadda ay dhageysanayso dacwada loo haysto.


Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xdhey guri ku yaallamagaalada Addis Ababa 27-dii bishii Agoosto ee sannadkan, maalin ka kaddib markii baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas'uul oo kale.