Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya raali-galin siiyay dadka ku hadlay Afka Maay'ga

0
Wednesday October 10, 2018 - 13:27:45 in by salman abdi
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya raali-galin siiyay dadka ku hadlay Afka Maay'ga

    Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya raali-galin siiyay dadka ku hadlay Afka Maay'ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya raali-galin siiyay dadka ku hadlay Afka Maay'ga

Fadhiggii xildhibaannada Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal ka hor jeediyay wasiiru-dowlaha wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo raaligalin siiyay dadka ku hadla afka Maay’ga.

 

 

Dhawaan ayeey aheyd markii uu wasiirku jawaab ay dhibsadeen bulshada ku hadasha Afka May'ga uu siiyay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka oo su’aal ku weydiiyay Af Maay'ga, hasse ahaate wasiiru ku jawaabay’’ Malaha xildhibaanku dad kale ayuu la hadlayaa, waayo waxaa ku anna waxaa ku hadlayaa Af '' Maxaa tiri'' isagan Af Maay ayuu ku hadalayaa' su’aashii-na wuu iska khasaariyay’’ taasoo ka careysiiyay xildhibaankii su’aasha weydiiyay iyo guud ahaanba bulshada ku hadaha afka Maay’ga

 

Guddoomiye Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wasiiru-dowlaha u sheegay in golaha hortiisa uu raali galinka bixiyo hadalkii uu dhax sheegay golaha.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkiisa si kale loo qaatay, islamarkaana uu raalin buuxda uu siinaayo shacabka ku hadla Lahjadda Maay'ga.

Dhawaan ayeey aheyd markii sidan oo kale bulshada ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool ay uga xumaadeen hadal uu jeediyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, laakiin markii danbe maamulka Puntland ayaa raali galin ka bixiyay hadalkii madaxweynaha.