"Sidee Baanu Isku Soo Galnay Madaxweyne Muuse Biixi"Pro Cabdi Cali.

0
Thursday October 11, 2018 - 13:19:40 in by salman abdi
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sidee Baanu Isku Soo Galnay Madaxweyne Muuse Biixi"Pro Cabdi Cali.

    "Sidee Baanu Isku Soo Galnay Madaxweyne Muuse Biixi"Pro Cabdi Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidee Baanu Isku Soo Galnay Madaxweyne Muuse Biixi"Pro Cabdi Cali. Gabayga Doqon-dilaee uu tiriyay Jamaal Cali Xuseen, wuxu i xasuusiyay sidii aanu isku soo galay m/weynaha; iyadoo xaaladdiisu adag tahay oo ay eryanayaan wasiirkii maaliyadda iyo kii madaxtooyada ayuu maalin maalin maalmaha ka mid ah iga soo wacay telefanka; waa markii u horryasay ee aan telefan ka wada hadallo; maxaa yeelay waxaba fara ku tiris ahaa inta jeer ee aanu fool ka fool u wada hadalay; ku ye waa Muse, dee telefonkaagii ayaa igu noqday xaar mas, wuxu leeyahay lama heli karo ama wuu xidhan yahay; waan kuu baahnaa, ma is arki karnaa; anna haa idhi; ku ye halkaad tidhaa iigu kaalay anigaa kuugu imanaya; anna idhi mayee anigaa kuu imanaya guddoomiye; waayahay ee habeen danbe guriga iigu kaalay; u tegay; si fiican ayuu ii soo dhaweeyay; ku ye waxan rabay in aad ila shaqayso; rajadayduna ma xuma immika oo arrinkii wuu is qor-qorayaa; garoo waa Gudoomiyanimadii laga hortaagnaa; aniguna ka aqbalay in aanan waxba ka la hadhin;


 

 


 

Dhinaca kale, waxa uu iiga mahad celiyay in aan difaacay isaga mar Siilaanyo noo yeedhay; runtiina isagaan la jiray xagga niyadda marka horeba; waana arrinta uu soo xansaday; ee uu iigu yeedhay; wuxu markiiba telefan u diray Mubarak; wuxu ku yidhi waxa ila joogaa Professorkii (maalmihi guushu soo dhawaatay, professor iyo waxaasi may jirin), isaguna wuxu ugu jawaabay waa macallinkaygii; ku ye, dee waa aqoonyahankiinii , waxan rabaa in aad wada shaqaysaan; waa kan ee la hadal; haa waar Mubaarik ii warran iyo kheyr iyo xaggee isagu nimaaadan iyo halkaas iyo habeenkaas, isu nimi, haba ka qaban!!! dee waa tii la ogaa!!!


 

Wuxu yidhi gabaygu:


Doqonkaad daryeeshee intuu docdaadii gacan dabacsan soo biday, adna aad dadaalkii waxaad duunyo haysay, darkii iyo wadaantii daacadnimo ku siisee, dabadeed ka sii daray; markii u dibirayee, doogii iyo xareedii, xoolhiina daaqsaday; daryeel kale ha joogee,dardartii iyo awoodii inuu iigu dul tuuroo, iigu daro qaniinyana, damiirkiisu siiye, danbigaasi iga galay!!!