Madaxtooyada Somaliland Oo Dawanaysa Awood Sheegashada Aan Sharciga Waafaqsanayn Ee Lagula Kacay Mareeyaha Hay'adda Wadooyinka -

0
Friday October 12, 2018 - 13:25:32 in by salman abdi
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Somaliland Oo Dawanaysa Awood Sheegashada Aan Sharciga Waafaqsanayn Ee Lagula Kacay Mareeyaha Hay'adda Wadooyinka -

    Inta badan bulshada la socota dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalkan ka jira, waxaynu website yada, tv yada iyo social media ha ka aragnaa warar aanan mustaqbalka Somaliland ku haboonayn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan bulshada la socota dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalkan ka jira, waxaynu website yada, tv yada iyo social media ha ka aragnaa warar aanan mustaqbalka Somaliland ku haboonayn,

Wararka soo ah wasiir ka tirsan wasiirada madaxwayne muuse awoodaha dheraadka ah siiyay oo si badheedh ah uguxadgudbay mareeyaha hay’adda wadooyinka jamhuuriyada Somaliland.

 

Waxaynu ogsoonahay madaxwayne muuse inuu magacaabay wasiirka jidadka iyo gadiidka Mudane cabdilaahi abokor, wasiirkasoo ay hoos yimadaan hay’adda Duulista iyo Madaarada iyo hay’adda wadooyinka,

Wuxuuna madaxwaynaha u magacaabay laba mareeye hay’addaha kala ah Duulista iyo Madaarada Mudane rodal iyo hay’adda wadooyinka Mudane cismaan sh.

Mudane rodal markii uu xilka la wareegay wuxuu qaaday talaabo aqoonyahan badan ay kaga nixisay oo ah inuu maalin qudha ka dareeriyay hay’adda Duulista iyo Madarada shaqaale gaadhaya 150 dhalinyaro aqoonyahan ah.wuxuuna shaqo ka fadhiisin iyo isku shaandhayn ku sameeyay shaqaalaha hay’adda duulista iyo Madaarada.

Mudane rodal wasiirkii u ahaa line ministerka waxba kamuu waydiin wuxuuna raacay shuruucda dhigaysa inuu xaq u leeyahay talabooyinka lagu dar dargalinayo shaqaalaha,

Wasiir cabdilahi abokor oo booqday maalin xafiiska mareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarada, mudane rodol wuxuu amar kusiiyay inuusan mar danbe iman xafiiska mareeya rodal, wasiirkana wuu u hogaansamay amarka mareeyaha isagoo ka cabsi qaba inuu xilkiisa ku waayo.

Mareeye rodal wuxuu awood buuxda ka haystaa madaxwayne muuse.

Dulucda hadalkaygu wuxuu yahay maxaa sababay in mareeyaha hay’adda wadooyinka awood aan sharciga waafaqsanayn loo adeegsado, laguna amro inuu xilkiisa ku qaato mushaharka wax dhaqdhaqaaq ah uusan samayn ku aadan shaqadiisa qaran?

Maxaa sababay in la yidhaahdo tigreetada kazoo baxda xafiskaga ee sharciga, dhaqan gal ma ahan?

Maxaa sababay inuu madaxwaynaha daawado xadgudubkan lagula kacay mareeye shaqadiisa dastuuriga ah gudanaya?

Maxaa sababay in mas'uuliyinta qaranka u shaqaynayaa lakala dhawaysto?

Mareeyaha hay’adda wadooyinka maxaa la gudboon?

Guntii iyo gunaanadka madaxwayne muuse waxaan ugu baaqayaa inuu ma’uuliyinta uu xilka u dhiibtay u cadaalad qaado, cidda xigsanaysa ee mas’uul uu xil udhiibay sharci daro ula tagaysa ka qabto.

[emailprotected]