War Deg Deg Ah:-Turkiga Oo Soo Bandhigay Codad Iyo Muuqaalo Ku Saabsan Dilka Suxufi Jamaal Khashoggi.

0
Friday October 12, 2018 - 18:13:24 in by salman abdi
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Turkiga Oo Soo Bandhigay Codad Iyo Muuqaalo Ku Saabsan Dilka Suxufi Jamaal Khashoggi.

    War Deg Deg Ah:-Turkiga Oo Soo Bandhigay Codad Iyo Muuqaalo Ku Saabsan Dilka Suxufi Jamaal Khashoggi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Turkiga Oo Soo Bandhigay Codad Iyo Muuqaalo Ku Saabsan Dilka Suxufi Jamaal Khashoggi. Wargeyska Washington Post ayaa qorayin saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.



Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xidhay qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jir dilay kadibna la dilay oo jirkiisa la jarjaray, sida ay saraakiil Mareykan iyo Turkish ah u sheegeen wargeyska.


 

 

Saraakiishan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in codka la hayo uu muujinayo caddeymo aad looga naxo oo ku saabsan xaaladda Khashoggi, sida Washington Post ay tidhi


Warbixinta waxa ay sheegtay inaysan caddeyn haddii saraakiisha Mareykanka ay arkeen ama maqleen muqaalka iyo codka, hase yeeshee saraakiisha Turkiga ayaa kuwa Mareykanka la wadaagay inay hayaan.


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khamiistii sheegay in baadhayaal Mareykan ah ay joogaan Turkiga, ayaga oo isku dayaya inay go’aan ka gaadhaan waxa ku dhacay Khashoggi.


"Qunsuliyadda ayuu galay, kamana soo bixin” ayuu Trump u sheegay barnaamijka Fox and Friends ee taleefishinka Fox News. "Uma muuqato in ninkaas uu hadda nool yahay” ayuu raaciyey.


Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Khashoggi oo aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ay toddobaadkii tegay dileen koox ka kooban 15 nin oo Istanbul yimid, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.