Khilaaf ka taagan magacaaabista Golaha Wasiirradda Galmudug

0
Saturday October 13, 2018 - 13:33:24 in by salman abdi
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf ka taagan magacaaabista Golaha Wasiirradda Galmudug

    Khilaaf ka taagan magacaaabista Golaha Wasiirradda Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf ka taagan magacaaabista Golaha Wasiirradda Galmudug

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay uu soo ifbaxayo khilaaf xooggan oo ka taagan magacaabista xubno Gole Wasiiro cusub oo Galmudug yeelato.

 

 

Wararku waxaa ay sheegayaa in xildhibaanno ka gadooday habka magacaabista Golaha cusub ee Wasiirradda Galmudug qorsheynayaa in ay baarlamaanka horgeeyaan mooshin ka dhan ah madaxweyne Xaaf, kaddib markii ay ogaadeen in aysan ka soo dhax muuqan doonin xubnaha cusub ee la magacaabayo.

 

Amaanka magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa la sheegay in ay siweyn loo adkeeyaym, iyadoo laga cabsi qabo in ay rabashado sababaan magacaabista xubnaha cuusb ee Golaha Wasiirradda.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in arintan uu la tashi xoog leh kala sameeyay labada mas’uul ee ugu awooda badan leh magaalada Dhuusa-Mareeb Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud,.

Laakiin waxaa jira xubno kale oo ka tirsanaa maamulkii hore ee Ahlu Sunna kuna biiray Galmudug oo hadda ka biyo diidan sida madaxweyne Xaaf u soo xushay Golihiisa Wasiirrrada.

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in la shaaciyo liiska iyo magac-yada Wasiirradda cusub ee Galmudug oo siweyn isha loogu wada hayo.