Dowladda Soomaaliya oo gargaar caafimaad u fidineysa dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Baydhabo

0
Sunday October 14, 2018 - 10:48:50 in by salman abdi
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo gargaar caafimaad u fidineysa dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Baydhabo

    Dowladda Soomaaliya oo gargaar caafimaad u fidineysa dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Baydhabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo gargaar caafimaad u fidineysa dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo.

 

 

Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay qaraxyada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen argagaxisada Alshabaab.

 

"Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka dhintay qaraxyada, waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee uu cadawgu ku beegsanayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.