War Deg Deg Ah:-Gabdho Soomaaliyeed oo meydkooda laga helay magaalada Minneapolis.

0
Monday October 15, 2018 - 09:24:09 in by salman abdi
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Gabdho Soomaaliyeed oo meydkooda laga helay magaalada Minneapolis.

    War Deg Deg Ah:-Gabdho Soomaaliyeed oo meydkooda laga helay magaalada Minneapolis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Gabdho Soomaaliyeed oo meydkooda laga helay magaalada Minneapolis.

Gabdhahan oo la waayay habeenimadii Jimcaha ayaa la sheegay in ugu danbeyntii meydkoodii laga helay Haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

 

 

Wararku waxaa ay sheegayaan in gaari ay wateen labadan Gabdhood sida la sheegay uu ka dhacay Haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis, iyada oo si deg deg ah aysan u helin gargaarkii loogu tala galay.

 

Waxaa lagu kala magacaabaa Zeynab Cabdalla iyo Xafso Cabdi, lama oga ka danbeysay in gaariga uu halkaa ka dhaco waxaa socda baaritaan la xiriira sababta geeridooda keentay.

Xamza Warfaa oo ka mid ah qoyska gabdhaha geeriyooday ayaa VOA u sheegay in gabdhahan ay ahaayeen kuwa ka qalin jabiyay dugsiga sare, islamarkaana shaqeysta, ilaa haddana aysan qabin tuhun ah in gabdhaha loo hanjabay, wuxuuna tilmaamay inay ka war sugi doonaan baaritaanada booliska.

Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa aad uga murugooday dhacdadan, waxayna booliska ka dalbadeen in arrintan baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.