Daawo:-Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay
Dagaal culus oo leysku weydaarsaday hub kala duwan ayaa ku dhaxmaray aroornimadii hore ee saakay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab deegaanka Deynuunaay 26-KM u jira magaalada Baydhabo.
Dagaalka wali meelaha qaar la soo sheegayo in uu si goosgoos ah uga socdo lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay, hasse ahaatee marka la eego xadiga iyo culeyska dirirta labada garabka waxaa suurtagal ah in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya.
Al Shabaab ayaa dhawr mar weerar ku qaaday degaanka Deynuunay oo ay ku sugan yihiin ciidamada militariga dowladda Soomaaliya,waxayna arrintaasi dhibaato ku noqotay shacabka halkaasi degan, oo cabsi ka muujinaya weerarada Al-shabaab.
Dagalkan ayaa imanaya xili maalin ka hor magaalada Baydhabo ka dhaceen Qaraxyo waaweyn oo galaaftay nolasha dad ka badan 20 ruux.
Daawo:-Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay
Daawo:-Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay