Jawhar:-Ra'iisal wasaare Kheyre Oo Gaadhay Magaalada Jawhar Iyo U Jeedka Safarkiisa.
Jawhar:-Ra'iisal wasaare Kheyre Oo Gaadhay Magaalada Jawhar Iyo U Jeedka Safarkiisa.
Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu sareysa Hirshabeelle e oo uu horkacayo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka maamul gobolleedka Hirshabeele.
Kheyre ayaa lagu wadaa in uu dhagaxdhiggo mashaariic laga hirgelinayo magaalada, sida dhismaha xarun u yeelanayo Baarlamaanka Hirshabeelle, madaxtooyada, iyo wasaarradda maaliyada Hirshabeelle, isaga oo dhinaca kalana daah furi doono mashruuca dhismaha waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.
Amaanka ayaa siweyn loo adkeeyay magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in ay gaareen Jowhar ciidamo dhinaca dhulka uga anbabaxay magaalada Muqdisho.
Jawhar:-Ra'iisal wasaare Kheyre Oo Gaadhay Magaalada Jawhar Iyo U Jeedka Safarkiisa.
Jawhar:-Ra'iisal wasaare Kheyre Oo Gaadhay Magaalada Jawhar Iyo U Jeedka Safarkiisa.