Hargaysa:Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay inuu Hubo in Soomaaliya maalin uun aqoonsan Doonto Somaliland

0
Monday October 15, 2018 - 15:56:16 in by salman abdi
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay inuu Hubo in Soomaaliya maalin uun aqoonsan Doonto Somaliland

    "Waa in aanu annagu gadahayaga waxqabsanaa, markaa waxaanu tahli doonaa in dalalka xubnaha ka ah UN-ku ay aqoonsadaan Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa in aanu annagu gadahayaga waxqabsanaa, markaa waxaanu tahli doonaa in dalalka xubnaha ka ah UN-ku ay aqoonsadaan Somaliland"


Hargeysa(Burcoonline) 15.10.2018 -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaasheegay in maalgashiga Shirkadda DP World ay ku ballaadhinayso marsadda Berbera uu sii xoojinayomadax-bannaanida Somaliland.

Sidaasna waxadaabacayWargeyskaThe Nationalee ka soo baxa dalka Imaaraadka carabta oo Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNAsoo turjuntay qormo dheer oo uu maantakaqoray wargeyskaasiSomaliland.

 

Wargeyska The National wuxuu sheegay inay Somaliland buuxisay astaamihii qaranimooo ay leedahay ciidan millateriga ahiyokuwo Booliska ah, dowlad shaqaynaysa iyo lacag u gaar ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa u iftiimiyey Wargeyska ka soo baxa Imaaraadkain aanay Soomaaliya xukumin Somaliland.

 

Madaxweyne Muuse Biixiwuxuuxaqiijiyey in maalgashiga shirkadda DP World uu ku wajahan yahay sidii marsadda Berbera u noqon lahayd mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Afrika, taasi oo Somaliland u horseedi doonta inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka.

 

"DP World waa shirkad weyn oo caalamiya oo ku dhac u yeelatay inay timaado Somaliland, waxaanan ku rejo weyn nahay in shirkado kale ku dayan doonaan,’ayuu yidhi madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa uuMadaxweynaha Somalilandsheegay in marka Somaliland wax qabsato inay tahli doonto inay dalalka xubnaha ka ah qarammada midoobay aqoonsan doonaan.

 

"Marka hore waa in aanu annagu gadahayaga waxqabsanaa, waanu sii wadaynaa sidii aanu dhinacyo kala duwan uga dhisi lahayn dalkayaga, markaa waxaanu tahli doonaa in dalalka xubnaha ka ah UN-ku ay aqoonsadaan Somaliland.”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

 

 

Madaxweyne Muuse Biixiwuxuu ku doodayinuu hubo in maalin uun ay Soomaaliya lafteedu aqoonsan doonto Somaliland, sidii Itoobiya u ictiraaftay Ereteria, waxaannu yidhi"Waxaan hubaa in maalin uun Soomaaliya lafteedu aqoonsan doonto Somaliland, sidii ay Itoobiyaba u samaysay Eretrea.”

 

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayey diidmada Madaxweynaha Soomaaliya ka muujiyey casriyeynta dekedda Berbera, wuxuu caddeeyeyinaanudhigiisa Soomaaliyaiman karin Somaliland, isla markaana aanu wax saamayn ah ku lahayn heshiiska ballaadhinta dekedda.

Ugu dambayn, WargeyskaThe National ee ka soo baxa Imaaraadkuwuxuusoo xigtay Xoghayaha gaarka ah ee MadaxweynahaSomaliland Md. Mubaarig Taanioo shaaciyeyin aanxafladii lagu kala saxeexdaywejiga kowaad ee ballaadhinta marsadda Berbera 11kii bishanaan lagu soo casuumin Soomaaliya isla markaana aan laga soo dhaweynaynin Somaliland.

Xoghayaha Madaxweynuhu wuxuu Wargeyska The National uu mugdiga uga saaray in marka la eegoxeerarka Somaliland ay dambi tahay inmadaxda Soomaaliya yimaadaan Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax