Hargaysa:-"Qaranka Hees Laguma Dhisin Ee Dhidid Iyo Shaqo Adag Ayaa Taala Bariga SANAAG"Eng Faysal Cali Waraabe

0
Tuesday October 16, 2018 - 15:51:32 in by salman abdi
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Qaranka Hees Laguma Dhisin Ee Dhidid Iyo Shaqo Adag Ayaa Taala Bariga SANAAG"Eng Faysal Cali Waraabe

    "Qaranka Hees Laguma Dhisin Ee Dhidid Iyo Shaqo Adag Ayaa Taala Bariga SANAAG"Eng Faysal Cali Waraabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qaranka Hees Laguma Dhisin Ee Dhidid Iyo Shaqo Adag Ayaa Taala Bariga SANAAG"Eng Faysal Cali Waraabe
Guddoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka somaliland ee Ucid Eg Faysal cali waraabe ayaa sheegay in deegaanada bariga sanaag ay ka sii baxayaan gacanta somaliland,madaama ay markasta furin u noqotay masuliyiinta maamul goboleedka puntland.
 
Faysal cali waraabe ayaa sheegay in deegaanada bariga sanaag ay taalo shaqo adag oo xukuumadda looga baahan yahay in ay fuliso si ay deegaanadaasi uga saarto maamulka puntland oo bilihii ugu dambeeyay ay imanayeen masuuliyiintooda ugu saraysa.
 

 
"hadii aynu ceerigaabo gacanta ku qaban wayno oo aynu dajin wayno bariga sanaag gaadhi mayno,ceerigaabana waa halka aynu ku talaabsanayn ee bariga sanaag aynu ka tagaynay shalay waxa badhan


tagay guddoomiyihii baarlamaanka ee puntland wayna galbatay lakiin waa lasoo celin karaa,waxaana lagu soo celin karaan in dadka loo yeedhaa weeyaan dadkii deegaankaas dagana ee ina taageeri jiray waynu ka tagnay oo cidla ayay taag-taagan yihiin.sidaas ayaa uu yidhi isaga oo guddoomiyahu ka hadlayay qalin jabin loo qabtay arday dhamaysay jaamacadaha dalka
 
"Wasiirkeenii waa kan waa in gacan lasiiyaa waa inuu badhan tagaa waa inuu hadaf-timo tagaa shaqo ayaa loo baahan yahay ee ninkii heesayow qaran laguma dhiso hees,waxaana lagu dhisaa qaran dhidid,ficil,dadaal iyo cadaalad ayaa lagu dhisaa ee ilaahay cadaalada hayna tuso.
 
Deegaanada bariga sanaag waxa hore u yimid madaxwaynaha maamulka puntland cabdi wali cali gaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka puntland kuwaas oo dhamaantood bulshadda tusay wax-qabadyo ay u qaban doonaan.
 
Somaliland oo sheegata in ay maamusho deegaanada bariga sanaag siiba badhan iyo hadaf-timo ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin.