"Waxaan bur burinay Dooman ay leeyihiin Al-shabaab"Taliska Millitariga Somalia

0
Wednesday October 17, 2018 - 08:36:52 in by salman abdi
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan bur burinay Dooman ay leeyihiin Al-shabaab"Taliska Millitariga Somalia

    "Waxaan bur burinay Dooman ay leeyihiin Al-shabaab"Taliska Millitariga Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan bur burinay Dooman ay leeyihiin Al-shabaab"Taliska Millitariga Somalia

Taliska millitariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ku bur buriyeen Dooman ay leeyihiin Al-shabaab.

 

 

Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo arintan ka hadlayay ayaa yiri"Doonyo waxay sameysteen oo yar yar, oo biyaha ay uga kala gudbaan, doonyihii qaar waan gubnay qaarna gacanta ayaan ku dhignay, waxaa ay mar walba dhibaateeyaan shacabka beeraleyda ah, balse annaga kama yeeli doono arrintaasi, hawlgalada waxay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaan dhawaan isku furnay wadooyin badan oo horey Shabaab ay go’doomiyeen”.

 

Wuxuu sheegay in howlgaladan socda yihiin kuwo sida uu hadaalka u dhigay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ciribtirayo deegaannada ay ka maamulaan gobolllada dalka Soomaaliya.

‘’Waad ogtihiin hadda gobolka Hiiraan jidad ayaa la furay, kuma ekaan doonno Hirshabeelle ee sidoo kale howlgalkan waxaa uu ka bilaaban doonaan Kismaayo, waxaa uu ka bilaaban doonaan Baay, iyo guud ahaanba deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab ayuu yiri taliyaha.

Ciidamada xoogga dalka ayaa laba jibaaray hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, waxayna dhawaan ku guuleysteen inay isku furaan wadooyin ay go’doomiyeen Shabaab, islamarkaana la wareegaan deegaano muhiim ah.