Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shaaciyey Sababta Ay Itoobiya Uga Soo Qeyb Gali Weyday Heshiiskii Saxeexa Balaadhinta Dekada Berbera
Wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa oo war bixin dheer ka qoray munaasibadaas ka dhacday madaxtooyada ayaa waxuu sheegay in munaasibadaas oo ay ka qayb galeen madaxweyne Biixi iyo madaxa shirkada Dp World Sultaan Axmed balse aanay ka qeyb galin dawlada Itoobiya oo leh Saamiga saddexaad eemaalgashiga dekada Berbera .
Waxuuna sheegay in munaasibadaas ay goob joog ahayeen madaxweyne Biixi iyo Agaasimaha Dp World , lakiin madaxda Itoobiya ayaan ka qeyb galin munaasibaas
Calanka Itoobiya ayaa uu wargeysku sheegay in uu ka dhex babanaayey madaxtooyada Somaliland oo uu garab yaalay calamada Somaliland iyo Imaaraadka carabta
Madaxweyne Biixi ayaa sida uu wargeysku qoray waxuu sheegay in madaxda Itoobiya mashquul ahaayeen ,
" Masuulyiinta Itoobiya , gudahooda ayaa ay ku mashquulsanayeen shirweynihii xisbiga talada haya awgii " ayuu yidhi madaxweyne Biixi
Dad badan ayaa isweydiinayey sababta keentay in Itoobiya ka maqnaato munaasibasaas , Itoobiya ayaa maalgashiga dekada Berbera waxay ku leedahay 19 %
Source:- Geeska