Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaad ka billaabaysa Muqdisho

0
Wednesday October 17, 2018 - 13:54:45 in by salman abdi
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaad ka billaabaysa Muqdisho

    Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaad ka billaabaysa Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaad ka billaabaysa Muqdisho
Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa dib u billaabaysa 2-da bisha November duulimaadkii u horreeyay ee Muqdisho iyo Addis Ababa, muddo ka badan afartan sanno kaddib.

 

Tewolde Gebremariam, oo ah madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, wuxuu sheegay in duulimaadkooda Muqdisho uu xoojin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa intaas dheer oo duulimaadyadda ay fursan siin doonan Soomaalida qurbo-joogta ee ku sugan Waqooyiga Mareykanka, Bariga Dhexe, Yurub iyo Afrikaba.

Diyaaradda ayaa toddobaadkiiba saddex maalin sameyn doonta duulimaad toos ah Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana maalmaha duulimaadkeeda ku qorsheysan yahay ka mid ah Isniin, Arbaco iyo Jimco. Ethiopian Airlines waxaa ay duulimaadyo ku tagtaa illaa 116 dal.

Duulimaadka kaliya ee caalamiga ah oo horey Muqdisho u imaan jirey waa diyaaradda Turkish Airlines , waxaa kalo garoonka caasimadda duulimaad ku timaada diyaaradda Djibouti Airlines.