Hargaysa:-Caaqil Beeniyay Warar Laga Baahiyay Iyo Ujeedka Uu Ahaa Warka Laga Qoray.

0
Wednesday October 17, 2018 - 16:32:31 in by salman abdi
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Caaqil Beeniyay Warar Laga Baahiyay Iyo Ujeedka Uu Ahaa Warka Laga Qoray.

    Hargaysa:-Caaqil Beeniyay Warar Laga Baahiyay Iyo Ujeedka Uu Ahaa Warka Laga Qoray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:-Caaqil Beeniyay Warar Laga Baahiyay Iyo Ujeedka Uu Ahaa Warka Laga Qoray.

Caaqil C/raxmaan Xuseen Xasan oo kamida cuqaasha miisaan leh ee reer Somaliland ayaa beeniyey war been abuura oo laga faafiyey isaga iyo deegaankiisa buurta Gacan Libaax , kaasi oo uu sheegay in dad maangaab ahi si badheedha ugu gafeen sharafta iyo karaamadiisa shaqsiga ah iyo ta deegaanka Buurta Gacan Libaax iyo Madaxweynaha Qaranka iyo qaarkamida madaxda kale oo qaranka ka mida iyo madaxdii hore ee dalka .

 

Caaqil C/raxmaan Xuseen Xasan ayaa oo arinmahan ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi "halkan waxan kaga hadlayaa been 14 oct 2018 lagu baahiyey qaar kamida Websate-yada iyo Social media-ha ,taasi oo ahayd buurta Gacan Libaax ee gobolka Saaxil oo la leeyahay waxa iibiyey cuqaashii deegaanka, kaas oo madaxda qarankana lagu aflagaadeeyey ilaa heer madaxweyne, heer wasiir ,heer gobol, iyo heer degmo-ba, taasi oo warkan lagu qoray cay aan loo kala aabo yeelin haday tahay aniga ,haday tahay Cheaf Caaqil Maxamed Cheaf Caaqil Cabdikariim, labadayadaas odayba waxa warka lagu yidhi buurti bay iibiyeen waxaanad tihiin calooshooda u shaqaystayaal"

 

Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi" Marka u horaysa arinkaas waxaan xaal ka siinayaa madaxda qaranka oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo Mudane Muuse Biixi, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, oo arinkaas aan shaqo ku lahayn iyo madaxda kale ee arinkaas lagu aflagaadeeyey sida madaxda heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saaxil, dhamaantood waxan halkan ka siinayaa xaal anigoo ah odaygii deeganka "

Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan oo ka hadlaya arinka buurta Gacan Libaax ka jiray ayaa waxa uu yidhi" marka labaad waxa aan ka hadlayaa arinka aanu ku haynay Deegaankaas buurta Gacan Libaax waxa uu ahaa khilaaf ka dhex jiray laba shirkadood oo deegaankaas kasoo jeeda oo mid gudoomiye ka yahay C/salaan fara-nacab iyo mid uu gudoomiye ka yahay Mustafe Xasan aw Maxamed oo deegaanka ah oo Muuse Cabdale ah oo aanu Cuqaal u nahay oo aanu arinkooda ku dhamaynay in shirkad waliba ay dhankeeda kusoo kordhiso wixii ay deegaanka kusoo kordhinayso, labadaas shirkadood ayaanu anagu warkooda haynay "

 

Markale Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan ayaa waxa uu dul istaagay cida ku kacday falkan oo ay baadhid dheer kadib soo ogaadeen iyo waxa ay ka yeelidoonaan "cida aanu arinkooda haynay labadaas shirkadood ayey ahaayeen balse shirkada kale ee warqadaas lasoo dhigay markaanu baadhnay waxay noqotay shirkad kale oo ruqsad loo siiyey deegaankale oo dhinaca xeebta gobola Saaxil ah taas oo si dadka khalkhal loogaliyo loosoo dhigay media-yaha ,Cidii arintaas ku kacdayna markii aanu dabagalnay waanu helnay haayadaha amniga ayaanu u gudbinay oo gacanta ku haya hada"

 

Gabagabadii ayaa Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan waxa uu mar labaad xaal kasiiyey cid kasta oo lagu aflagaadeeyey warkaasi Madaxda Qaranka iyo mulkiilayaasha shirkadaas waraaqaheeda lasoo qaatay iyo guud ahaan dadka deegaankaas oo uu xusay in sumcadooda meel lagaga dhacay , isagoo isla markaasina xusay in aanay ka hadhayn cidii falkaas ka danbaysay ee ay maxkamada ku gayn doonaan