Wararkii Ugu Dambeeyay Baadhitaanka Dilkii Jamal Kashoggi Iyo Caddeymo Laga Helay Qunsliyadda Sacuudiga

0
Thursday October 18, 2018 - 15:40:10 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Baadhitaanka Dilkii Jamal Kashoggi Iyo Caddeymo Laga Helay Qunsliyadda Sacuudiga

    Wararkii Ugu Dambeeyay Baadhitaanka Dilkii Jamal Kashoggi Iyo Caddeymo Laga Helay Qunsliyadda Sacuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Dambeeyay Baadhitaanka Dilkii Jamal Kashoggi Iyo Caddeymo Laga Helay Qunsliyadda Sacuudiga Waxaa weli socda baadhitaanka

halkii u ku dambeeyay Wariyihii reer Sacuudi Jamal Kashoggi, kaasoo la waayay wixii ka damabeeyay 2-dii bishii October markii uu galay Qunsuliyadda Guud ee Sacuudiga ku lahaa magaalada Istanbul, si uga helo warqad cadeyn ah oo muujineysa inay kala tageen xaaskiisa hore.


Kiiska ku saabsan Jamal Kashoggi ayaa sii xoogeystay, markii dowladda Sacuudiga ay soo bandhigi weyday caddeyn ku saabsan halka uu ku dambeeyay, iyadoo Sirdoonka Turkiga uu sheegayo in lagu dhex dilay gudaha Qunsuliyadda, meydkiisana lagu jarjaray.


 

 

Baadhitaan qaatay 12 saacadood ayay Booliska dambi baadhista ka sameeyeen gudaha Qunsuliyadda iyo guriga uu degenaa Qunsulka Guud ee Sacuudiga u joogay Istanbul


Baadhayaasha Turkiga ayaa la sheegayaa inay gacanta ku hayaan cod la sheegay inuu caddeyn u yahay dilka Jamaal Kashoggi.


Mareykanka ayaa ka codsaday dowladda Turkiga inuu la wadaago codkaas, si ay ugu dambeyn u kala cadaato dilka Jamaal Kashoggi.


Kiiska dilka Jamaal Kashoggi oo aad u dhaliili jiray Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa waxaa uu lugaha la galay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salaam, kaddib markii gacan yarihiisa lagu arkay Qunsuliyadda, maalintii la waayay Jamaal.



Wararka ayaa sheegaya in Maahir Abdulaziz Mutreb uu ahaa isku xidhaya dilkii qorsheysnaa ee Jamaal Kashoggi, waxaana uu Tukiga ku sugnaa 2-dii bishii October maalintii la dilayay, sida ay muujinayaan caddeymo muuqaalo la baahiyay.



Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo ku aadan dilka Wariyaha, waxaana xaalada ka dhalatay arrintaas ay gilgishay Caalamka oo dhan, isla markaana dowladda Sucuudiga ay ku lumiso dhaqaale ballaayiin doolar maalgashi ah iyo shirkado ay heshiisyo la gashay.