Ciidamada Spain Oo Qabtay Doon Mukhaadaraad Siday Oo Laga Lee Yahay Marooko.

0
Friday October 19, 2018 - 10:43:46 in by salman abdi
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Spain Oo Qabtay Doon Mukhaadaraad Siday Oo Laga Lee Yahay Marooko.

    Ciidamada Spain Oo Qabtay Doon Mukhaadaraad Siday Oo Laga Lee Yahay Marooko.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Spain Oo Qabtay Doon Mukhaadaraad Siday Oo Laga Lee Yahay Marooko.

Ciidamada badda ee dalka Spain ayaa gacanta ku dhigay koox u dhalatay wadanka Marooko oo ay sheegeen inay wadeen Mukhaadaraad tiro badan

, kaas oo la doonaayey in la geliyo wadamada Spain iyo Bortuqiiska.

 

Kooxdan ayaa lagu qabtay badda u dhaxaysa labada dal, iyada oo ay ciidamadu u qaadeen kooxdan saldhig ay lee yihiin , waxaanay kooxdani wadatay Laash yar oo nooca kaluumaysiga ah , kaas oo ay ciidamadu isagana la wareegeen.

 

Ilaa hadda ciidamadu kamay hadal kooxdan reer Marooko ee ay qabteen, iyada oo ay jiraan kooxo ay hore sidan oo kale ugu qabteen ciidamada Badda ee Isbayn iyo kuwa Bortuqiisku , kuwaas oo lagu wareejiyey dhowaan dawladda dalka Marooko.

 

Badda u dhaxaysa labada dal ee Marooko iyo Isbayn ayaa noqotay marin ay maraan kooxaha ka shaqeeya Daroogadda iyo xashiishadda , kuwaas oo u kala rara labada dal , sidoo kalena geeya wadamada Talyaaniga iyo wadamo kale oo Yurub ah.