Hargaysa:-"Intii Uu Xilka Qabtay Madaxwayne Muuse Biixi Waxa La Filayaa Inay Dhacdo Muddo Kordhin Markii Ugu Horeysay Ah"Cali Guray Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka

0
Friday October 19, 2018 - 14:05:03 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Intii Uu Xilka Qabtay Madaxwayne Muuse Biixi Waxa La Filayaa Inay Dhacdo Muddo Kordhin Markii Ugu Horeysay Ah"Cali Guray Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka

    "Intii Uu Xilka Qabtay Madaxwayne Muuse Biixi Waxa La Filayaa Inay Dhacdo Muddo Kordhin Markii Ugu Horeysay Ah"Cali Guray Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Intii Uu Xilka Qabtay Madaxwayne Muuse Biixi Waxa La Filayaa Inay Dhacdo Muddo Kordhin Markii Ugu Horeysay Ah"Cali Guray Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta muddo badan Mucaaridka ah soo ahaa wakhtiganse ah Muxaafidka ayaa waxa uu walaac weyn ka muujiyey xaaladda ay ku qabsoomi karto Doorashooyinkii la filayay in ay ka qabsoomaan horraanta sannadka dambe Somaliland taasoo u muuqata buu yidhi mid aan wakhtigeedii ku qabsoomayn.


Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay degelka Facebook ee xidhiidhka Bulshada waxa uu ku sheegay in Golaha wakiilada Somaliland ay isku raaceen in aan dalka doorasho ka dhicin kadib markii ay xeerkii hore ee doorashoyinka wakiilada laaleen mid dambena aanay samayn. Isaga oo  ka hadlaya waxa uu yidhi:

 

"Doorashooyinka bisha March ee kal dame loo mudeeyay malahayga ma qabsoomi doonaan wakhtiga loo cayimay. Hadii April iyo Mayna ay dib uga dhacaan adigu waa suurtogal inta aanu dhamaanin 2019ku inay qabsoomi karaan. Hadii ay dhacdo doorasho Barlamanka cusub ee kan beddeli doonaa ma wuxuu noqon mid muxaafidku (Kulmiye) ku guulaysto inuu hogaamiyo? Mise waxa laga yaabaa in mucaaridku ku guulaysto oo Aqalka Wakiilada uu mucaaridku la wareego mar kale sidii dhacday 2005-tii markii la doortay kuwan laftooda.

Intii uu xilka qabtay Madaxwayne Muuse Biixi waxa la filayaa inay dhacdo muddo kordhin markii ugu horeysay ah inay tii ugu dambaysay noqon iyo in kalena aan la saadaalin karin. Xildhibaanada Wakiiladu iyagu way ka tashadeen in aan doorashadoodu ka qabsoomin dalka ee ay muddo kordhimo kale yimaadaan. Waxay ka tashadeen markii ay dhamaantood isku raaceen, XEERKII HORE TUUR KU DAMBENA DIID. Ilaa maalintii ay taladaa gaadheen xeerkii hore iyo xeer dambe oo cusub midna lama hayo haddii iyaga laga sugona waa siday rabeen oo wax doorasho baarlamaan ahi dalka ka qabsoomi mayso. Markaa maxaa tolow xal ah? yaase kale ee ku maqan xal si ay doorasho dalka uga qabsoomi karto?

Wadahadalkii ay ku kala kaceen xisbiyadu haddii sidaa lagu kala tago oo aan waxba la isla meel dhigin ma laga yaabaa in xaaladdu ay gaadhi karto heer labada xisbi ee mucaardku ay isku raacaan inay doorashada qaadacaan? Hadii jawaabtu ay tahay maya markaa xal wuu jiraa oo haddii ugu yaraan ay laba xisbi u tartamaan kuraasida Wakiilada siyiba si bay dhaantaaye waa sahaala. Laakiin haddii ay labaduba qaadacaan taa macnaheedu saw maaha doorasho dhiciba mayso?. Hadda waxa la isku hayo ee lagu kala tegayna maaha arin culus mana aha wax ka soo horeeyay doorashada ama khuseeya Komishankan inta ka hadhay muddo xileedkiisa ee sida aan maqlay waa komishanka kan ka dambeeya 2020ka” ayuu Yidhi Siyaasi Cali Guray.