Libiiya:-Liibiya Oo Ku Gacan Saydhay Qorshaha Midowga Yurub Ee Lagu Xakameynayo Muhaajiriinta

0
Saturday October 20, 2018 - 11:36:25 in by salman abdi
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Libiiya:-Liibiya Oo Ku Gacan Saydhay Qorshaha Midowga Yurub Ee Lagu Xakameynayo Muhaajiriinta

    Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Liibiya waxaa uu sheegay in dalkiisu uu ka soo horjeedo qorshe midowga Yurub ay soo jeediyeen oo ahaa in meel ka baxsan qaaradda Yurub laga sameeyo xarun lagu qiimeynayo dadka u tahriiba dalalka Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Liibiya waxaa uu sheegay in dalkiisu uu ka soo horjeedo qorshe midowga Yurub ay soo jeediyeen oo ahaa in meel ka baxsan qaaradda Yurub laga sameeyo xarun lagu qiimeynayo dadka u tahriiba dalalka Yurub.


Qorshahan oo ay diyaariyeen midowga Yurub bishii Juun ee sannadkan ayaa sidoo kale dhigaya in la xakameeyo qulqulka muhaajiriinta.

Mohamed al-Taher Siala oo ah diblomaasiga ugu sareeya Liibya ayaa wargeys laga leeyahay dalka Austria u sheegay in dhamaan dalalka waqooyiga Afrika oo ay kamid yihiin Tunisia, Algeria ay kasoo horjeedaan qorshaha, waxaana uu intaa ku daray in taa bedelkeeda Liibya ay kaashan doionto dalalka kale ee ay sii maraan muhaajiriinta, si loo xoojiyo ammaanka xuduudahooda

 

Muxuu yahay qorshaha midowga Yurub?

Bishii juun ee sannadkan dalalka mdiowga Yurub ayaa soo jeediyay qorshe ah in meel ka baxsan Yurub laga sameeyo xarun lagu qiimeynayo dadka muhaajiriinta ee ku qulqulaya Yurub. Qiimeynta ayaa ah miud lagu ogaanayo in qofka doonayo inuu galo Yurub uu yahay qof u qalma oo dalkiisa uga soo tegay dhibaatooyin ay kamid yihiin amni dari.

Xarumahan ayaa midowga Yrub waxaa ay shegeen inay maamuli doonaan hey'adaha caalamiga oo ah kamid tahay Qraamada midoobay, si loo oggaado in qofka doonayo inuu galo Yurub uu yahay qof la siin karo magangalyo, halka kuwa aanan u qalmin na la siiyo taageero ay kula noqdaan dalalkooda.

Qorshahan ay soo jeediyeen dalalka midowga Yurub ayaa yimid, kadib markii dowladda Talyaaniga ay ashtako ka muujisay qulqulka muhaajiriinta tirade badan ee soo galaya dalkeeda, kuwaa oo kasoo cararaya dalalka Afrika ee ay collaaduhu ka taaganyihiin.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sannadkan 2018-ka oo keliya ay badda Mediterranean-ka ku dhinnteen inkabadan kun iyo toddobo boqol oo qof, kuwaa oo doonayay inay u tallaabaan dalalka Yurub.

Sources: BBC Somali