Hargaysa:-"Madaxweyne Muuse Wuxuu Shaki Gelinayaa Madaxnimadiisa" Mustafe Shiine -

0
Monday October 22, 2018 - 09:32:48 in by salman abdi
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Madaxweyne Muuse Wuxuu Shaki Gelinayaa Madaxnimadiisa" Mustafe Shiine -

    Siyaasiga Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa naqdiyay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu xusay in aanu wali isu aqoonsanayn in uu yahay Madaxweynihii Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa naqdiyay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu xusay in aanu wali isu aqoonsanayn in uu yahay Madaxweynihii Somaliland.


Mustafe Shiine oo qoraal kooban soo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebookga ayaa ku yidhi  "Waa nasiibdaro inteeda la'eg in sagaal bilood kadib uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shaki gelinaayo madaxtinimadiisa uu EEBBE u gartay inuu noqdo hogaamiyihii 5aad ee dawladnimada Somaliland. 


Shirkii jaraa'id ee 45 ka daqiiqadood qaatay waxa uu ahaa mid uu odaygu xadhiga ka garaacayay meel hoose ama uu kooxda kaga jiray difaaca oo kubada xaga danbe uu ka soo waabinaayay. 

 


Maanta Mudane Muuse loogama fadhiyin inuu weli ku baaqi ahaado wax iska caabin ee waxa shacabweynaha reer Somaliland ay uga fadhiyeen inuu isu dhigo hogaamiyahoodii, tiro kasta oo dooratay, haddana uu u arko inuu yahay madaxweynihii dhamaan dadka reer Somaliland.


45% ee uu qirsan yahay inay ka codeeyeen,una codeeyeen 2da xisbi mucaarid maaha qaar ku qasban inay weli ku soo jiraan dhufayska uu Biixi ka soo bixi la yahay ee waa muwaadiniin xaq u leh inuu isku si u hogaamiyo oo ay shacab ahaan xuquuq siman u yeeshaan fursadaha qarankan laga helo haday waxbarasho tahay iyo saami kasta oo laga helo naaska irmaan ee qarankani lee yahay.


Maanta waxa rayalcaamka bulshada reer Somaliland uu intooda badan isku raacsan yahay in madaxweynuhu uu ku guul daraystay mideynta shacabka reer Somaliland ee ay kala geysay doorashadii xanafta reebtay ee ka dhalatay qabyaaladii lagu ololeeyay dhinac walba, hawgu sii liidato xukuumaddii talada haysay ee shacabkeeda u kala abtirisay ee xisbiga Kulmiye.


Sidoo kale waxa nasiib darooyinka jira ka mid ah in hadalkiisa 20/10/2018 ee mudane Biixi uu noqday mid sii kala irdhaynaaya shacabka, maadaama uu u ekaa mid isugu jira dafiraad iyo hanjabaad ku jeeda dadka qaar oo saxafiyiinta loogu qaybiyay shuruuc u muuqda in looga dhigaayo dhaar haddii ay is dhaqaajiyaan, iyadoo odaygu uu ku celceliyay "sharciga ayaa la raacayaa ".


Madaxeeynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa isla shirkii jaraa'id ku dareensiiyay qodobo dhawr ah oo uu ka hadlay jabnaantooda saxafiyiintii goobta joogtay,kuwaasi oo masuulka hogaanka inoo ah tusay inaan dadka caqligooda la caayi karin, waxana su'aalaha jawaabta ugu filaa ka mid ahaa, kuwa lagu yidhi " yaad sugaysaa inay arrintan wax ka qabtaana,"


Iyo in la taabsiiyay in komishankii ay horey Kulmiye ahaan uga cawdeen in la kala diray, taasi oo jawaab uga dhigay " waxa la ogolaa madaxweynihii xiligaa ". Taasi oo uu sheegay inaanu isagu raali ka ahayn, halkii uu markii hore dadka ugu dhigayay in sharcigu dabraayo, haddana waxa jawaabtiisu cadaysay in haddii uu la qaato labada xisbi in la kala diri karo komishanka. 


Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa runta biyo kama dhibcaanka ahi ay tahay in madaxweyne Muuse aanu isku dhigin weli inuu madaxweyihii qaranka Somaliland yahay eed moodo inuu weli isku arko gudoomiyihii xisbiga Kulmiye, weliba ee mucaaridka ahaa, haddii aanu arrintan wax ka bedelina waxa aynu nasiib lee nahay haddii aanay dawladnimadu xaraj inaga gelin.