Hargaysa:-Ciidamada Nabad Galyada Waddooyinka Oo Lagu Tababarayo Lambarada Cusub Ee Gaadiidka

0
Monday October 22, 2018 - 16:55:19 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Ciidamada Nabad Galyada Waddooyinka Oo Lagu Tababarayo Lambarada Cusub Ee Gaadiidka

    Ciidamada Nabad Galyada Waddooyinka Oo Lagu Tababarayo Lambarada Cusub Ee Gaadiidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Nabad Galyada Waddooyinka Oo Lagu Tababarayo Lambarada Cusub Ee Gaadiidka

-Wasiiradda Gaadiidka iyo horumarinta Waddooyinka Somaliland, ayaa Tababar u furtay Ciidamo ka tirsan nabadgelyadda waddooyinka iyo Ciidamadda Bileyska Somaliland oo baran doona aqoon korodhsi ku saabsan Taarikadda Sumadda Casriga ee Gaadiidlayda dalka lagu amray dhawaan inay gaadiidka ku xidhaan iyo Liisamo cusub oo dhawaan ay wasaaradda Gaadiidku wadayaasha Baabuurta dalka u daahfuri doonto inay qaataan.


Tababarkan uu Magaaladda Hargeysa ka daahfuray Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Waddooyinka Somaliland Cabdilaahi Abakor, ayaa waxa ka qayb galay Xubno iskugu jira Ciidamadda Nabadgelyadda Waddooyinka iyo Ciidanka Bileyska ee Somaliland kuwaasi oo mudada aqoon korodhsigani u socdo lagu bari doono aqoon u fududaysa sido kale caqabaddaha ciidanka Taraafikadda hore uga haysatay inay gacanta ku soo dhigaan gaadiidka shilalka geysta ee sida fudud u baxsada oo nidaam casri oo gacanta loogu soo dhigo la bari doono.

 

Sareeye Guuto Daahir Cali Wacays taliye ku xigeenka 2aad ee ciidanka bileyska Somaliland oo ugu horeyn ka hadlay halkaasi ayaa dhankiisa soo dhaweeyey tababarkani waxaanu yidhi "Tababarkani hadii aynu nahay ciidanka nabadgelyadda waddooyinka aad ayuu inoo caawinayaa khaladaad badan oo inaga ina haystana waynu kaga baxaynaa Inshaalaah marka aynu aqoon korodhsigani qaadano”

Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Waddooyinka Somaliland Cabdilaahi Abakor oo sharaxaayey tababarkani ku saabsanaa casriyeynta Sumadda Taarikadda Gaadiidka waxa uu yidhi "Maadama oo aynu og nahay in aynu bedelay Sumaddii taarikadda Gaadiidka Somaliland, ciidanka bileysku iyaga ayaa inoo qaabilsan nabadgelyada wadooyinka sumaduna waxay caawinaysa shaqadiina in aad marka aqoon u yeelataan waxaan isleeyahay waa arin daruuri ah, horena waanu u sheegnay oo Sumadani waxa ku jira wax la yidhaahdo (Holly Gram Security) oo la doonaayo in aad idinku aad ogaataan, si aynu uga fogaano foojari in lagu sameeyo waxa ta u xilsaarani waa ciidanka nabadgelyada wadooyinka, runtii tababarkani waa laba aqoon korodhsi weeyaan midi waxa weeyaan in aad ogaataan horta Sumadii taarikada gaadiidka waanu bedelay, hadaba sumadii gaadiidka in aanu bedelaa xigmada ka dambeysa maxay tahay, xigmada aynu dooneynaa waxa weeyaan, waad og tihiin gaadiidka Somaliland yimaada intii ay Somaliland jirtay way soo galaan nidaamkani dhaqan ka bax ayuu noqday ama ay dalka uga baxaan waxba xog ah kamaynaan haynin imika halkan waxa ina la jooga qoladii inoo sameysay Taarikadda gaadiidka sido kale waxa ina la joogta shirkad ina ga la shaqaynaysa xaga xogta oo xarun xogeed ah, shirkaddani oo idin tusi doonta ilaa iyo hada wixii la diwaangeliyey xogta la hayo”

Md Cabdilaahi Abakor waxa uu inta ku daray "Waxaanu ku dedaali doona gaadiidkaSomaliland jooga in la diwaangeliyo ujeedada kale ee ka dambeysaana waxa weeyaan in aanu helo xog xogtaana waxaanu uga faa’iidaysan doona xagii amniga, waxaanu uga faa’iidaysan doona xagii dhaqan dhaqaale ee dalkani noocyada uu u baahan yahay ee gaadiidka in aynu ogaano gaadiidka ugu faraha badan ee sabab u ah, marka xogtaasi oo dhami waxay inoo sahli doonta waxa la yidhi marka xog la helo ayaa talo la helaa, marka waxa idiinku jiri doona tababar 2aad oo inama kale idin tusi doonaan isla markaana qayb ka mida ciidankiina nabadgelyadda wadooyinka lagu tababari doono xafiisyadana laydiin geyn doono hadii uu ALLE ka dhigo, marka waxa adkayd markii hore gaadhiga Shil gaysta in aad heshaan xogtiisa dhabta ah, laakiin imika waxaanu ku rajo waynahay in aad ku heli doontaan xogta gaadhiga shil gaystay halkii uu ka yimid cida leh wakhtigii uu soo degay dhamaantiin in aad ku heli doontaan wax ka yar hal daqiiqo Inshaalaah marka uu tababarkani inoo dhamaado”

Qaarka mida shirkaddaha dhinaca farsamada ka caawinaaya wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ee Somaliland gaar ahaan Sumadda cusub ee Taarikadda sumadda gaadiidka iyo Liisanka Gaadiidlayda ay dhawaan wasaaraddu u daahfuri doonto , ayaa tababarkani ku soo bandhigay hanaanka cusub ee lagu ogaanayo Sumadda Gaadiidka kala duwan ee ka hawlgala guddaha dalka iyo Liisamadda ay casriga ee la siin doono gaadiidlayda dalka.