Daawo:-Buundad Ugu Dheer Adunka Oo La Fur Furayo Iyo Arimaha Sababay.
Buundadan dhererkeedu yahay 55 km oo qayba ka mid ah badda hoosteeda la mariyeye waxay isku xireysaa Hongkong-Shiinaha ilaa Macaue, Furitaanka buundadana xilligi lagu waday waxay kaddib dhacday muddosanad ah.
-
REUTERS
Buundadan dhererkeedu yahay 55 km (34 mile) oo isku xireysaa Hong Kong-Zhuai-Macau waxaa ka muuqda farsamadii ugu dambeeysay ee Injinneerrada Shiinaha.
-
GETTY IMAGES
Buundada oo billow ilaa dhammaad laba haad leh waxay 20 jibbaar ka dheer tahay buundada San Francisco's Golden Gate.
-
REUTERS
Buundadad waxaa loo naqshadeeyey qaab ay isaga caabbin garto dhulgariirka iyo duufaanta inta badan badaha Shiinaha ku dhufta.
-
AFP
Maraakiibta socodkooda si ay buundadu u hakinin waxaa loo sameeyey 2 jasiiradood oo dad samee ah iyada oo ay buundadu 6.7km oo ka mid ah ay badda hoosteeda mareyso.
-
REUTERS
Buundada oo sii mareyso meel ku dhow marinka diyaaradaha Hongong waxay Injineerradu si aad ah uga taxaddareen joogga Buundada iney aad u dheeraan si ay duullimaadka diyaaradaha u hakinin..
-
REUTERS
Dhismaha Buundadan oo la billaabay 2009-ka dhismaheedu waxaa ku kacay miisaaniyad ka badan $20 bilyan oo doolar.
-
AFP
Furitaanka rasmiga ee Buundada oo lagu waday 2016-ka marar badanna dib u dhac uu ku yimid, bishan in la furo ayuu qorshuhu ahaa balse weli waxaan ka ahayn sanadkan in la furayo lama sheegin xilliga rasmiga ah.
-
REUTERS
Miisaniyadda faraha badan ee dhismaha Buundada ku baxday waxaa u dheer waa buundadi shaqaalihi ugu badnaa ay ku dhintaan inta uu dhismaheedu socday..
-
AFP
Buundadu waxay kulmineysaa seddex ismaamul oo dalka Shiinaha ka mid ah oo kala go'naa Macau, Hong Kong iyo Mainlad.
-
REUTERS
Basaska iyo gawaarida kale ee ganacsiga oo rakaab sida ayaa buundada adeegsan doona, Balse takaasida caadiga ah iyo gawaarida gaarka loo leeyahay kuwa kooban oo fasax u haysta mooyee buunddaa ma isticmaali karaan.
-
EPA
Safarka buundada ee lagu marayo Hong Kong iyo Mainland inta u dhaxeysa waxaa qofka laga rabaa inuu sii maro laba xafiis oo kuwa socdaalka ah oo buundada dusheda xafiisyo ku leh inuu sii maro.
-
REUTERS
Maxaa buundadan loo dhisay? Waxaa loo dhisay in safarka qaadan jiray ugu yaraan afar saacadood loo soo gaabiyo ugu badnaan 30 daqiiqo.
-
REUTERS
Daawo:-Buundad Ugu Dheer Adunka Oo La Fur Furayo Iyo Arimaha Sababay.
Daawo:-Buundad Ugu Dheer Adunka Oo La Fur Furayo Iyo Arimaha Sababay.