Hargaysa:-Prof Cabdi Cali Oo Diirada Saaray Is Fahanwaaga Ka Dhextaagan Gudoomiye Cirro Iyo Madaxweyne Muuse Biixi
Marka laga tago kaftankiisa dacaayadda ah ee uu hoosta ka tuuro had iyo jeer, wuxu caddeeyey in uu ogol yahay horena u ogolaaday natiijada doorashada.
Xagga luqadda haddii aynu eegno, marka Mareykan ama Ingiriiska tartan doorasho ka dhaco, kalmadda uu isticmaalo ninka laga helo doorashada waxa weeye I conceded or I made concession, taas macnaheeduna afka carabiga haddaad ka baadho qaamuusi English-Arabic ah waa tanaasul; Sidaa darteed kalmadda tanaasul ee uu isticmaalay Guddomiye Cirro waa ku saxmacnaha ogolaanshada natiijada.
Angiu wali ma maqal, intaan dhegaysanayay wararka doorashooyinka, qofka laga guulaystay oo isticmaalaya kalmadda I accepted, oo macnaheeda tooska ahi yahay waan aqbalay.
Dhinaca kale, haddii qofka laga guulaystay aqbalo natiijada, inkasta oo uu wax tabanayo; taasi waxba u dhimi mayso sharcinimada natiijada; waxaad ogtahay Hillary Clinton-ba in aanay ku qancin natiijadii Trump madaxweynaha ku noqday, oo illaa immika ay ka xun tahay, haddana taasi waxba umay dhimin M/weynennimada Trump, mar hadday ogolaatay natiijadii doorashada.
Waxa kale oo aan idin xasuusin lahaa waxa jiray go'aan maxkamadda sare soo saartay, ka dib markii ay gudbin waayeen wax dacwad ah xisbiyada laga guulaystay muddaddii loogu talagalay, kaasoo ayiday natiijadii Komishanku ku dhawaaqay, sidaa darteed, waxa muuqata in aan halkaas wax lagu sii tiigaalaa ku jirin, ee aynu hore u socono , oo yaaan dib danbe lay noo maqlin innagoo raadkeena dib u raacayna..
Cabdo, U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.
Hargaysa:-Prof Cabdi Cali Oo Diirada Saaray Is Fahanwaaga Ka Dhextaagan Gudoomiye Cirro Iyo Madaxweyne Muuse Biixi
Prof Cabdi Cali Oo Diirada Saaray Is Fahanwaaga Ka Dhextaagan Gudoomiye Cirro Iyo Madaxweyne Muuse Biixi