Hargaysa:-Wasaaradda Gadiidka Oo Ka Miisaaniyadda Badan Shan Wasaaradooda -

0
Tuesday October 23, 2018 - 13:16:09 in by salman abdi
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Wasaaradda Gadiidka Oo Ka Miisaaniyadda Badan Shan Wasaaradooda -

    Wasaaradda Gadiidka Oo Ka Miisaaniyadda Badan Shan Wasaaradooda -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gadiidka Oo Ka Miisaaniyadda Badan Shan Wasaaradooda -
Sidaan maqaalladii hore ku soo bandhignay waxaan sharrax dheeraada ka bixinay faraqa iyo kala duwaanasha miisaaniyadda Sannadkan iyo kii hore, waxa aan dul istaagi doona qaybtana ujeedooyinka qarsoon ee ka muuqda fareenka (Qaab dhismeedka waaxda fulinta amaba xuukumadda) ha’yadda iyo wasaaradda waaxda fulinta ee xumkuumadda sannadkan 2018-ka. Wasaaradda cusub ee la sameeyay iyo ujeedooyinka maaliyadeed ee ku qarsoon samayntoodda, aan xusno Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
 
Wasaaraddan waxay ka mid tahay wasaaraddaha ama Hay’adaha cusub ee la seemayay, Sidaa darteed waxay shaqale leedahay sannadkan uun waxaana suuro-gala inaanay shaqaale badan qaadan maadama oo ay cusub tahay sidoo kalena sannadkan 2018-ka aan shaqaale cusub a qaadan. Wasaaraddan shaqadeedu maaha mid ay ku kali tahay ee waxay wada shaqayn balladhaan ka dhexaynayaan Hay’adda Waddooyinka iyo sidoo kale Dowladaha hoose ee dalka oo dhan. Haddana wasaaraddan waxaa loo qoondeeyay miisaniyad wasaaraddo badan wadartood ka badanaysa.
 
Aan is waydiino wasaaraddani maxay qabatay inta sannadkan lagu jiray immisa waddo ayay dhistay, se miisanayadda loo qoondayay immisa wasaaradood ayay ka badan tahay amba ha’yaddood.
 
Wasaaraddani waxay ku jirtaa wasaaradaha aan soo saarin adeeg badan oo aan wax-qabad muuqda oo ay qabtay aanay jirin haddana miisaniyadeedu aad iyo aad ayay u badantahay waxaana loo qoondeeyay lacag dhan 37,291,696,704 SL/Shilling. Haddaba muwaadin, ma ogtahay inay ka badantahay miisaniyadda Wasaaraddani Waddarta 5 Wasaradood oo kala ah: Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska. Wasaaradda Cadaaladda & Garsoorka. Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Distoorka. Wasaarada Horumarinta Maal-gashiga Wasaaradda Macdanta & Tamarta.
 
Sida haddaba shaxankan sare ka muuqata waddarta Miisanayadda 5 wasaaradood waxay noqtay 34.100.939.802 SL/Shilling, halka ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku tahay 37,291.696,704 SL/Shilling.
 
Aan mar kale is Bar-bardhigno 5 Hay’adood oo laf-dhabarta qaranka ka mid ah kuwaas oo kala ah:- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Hay’adda Diiwaanka Sakada iyo Samafalka. Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka, Hay’adda Dhawrista Tayada. Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Haddaba su’aashu waxa waayi wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadku miyay ka muhiimsantahay 5 hay’adood, miyay ka waxqabad badantahay, miyay ka shaqaale badan tahay?,
 
waa maxay sababta ay uga miisaniyadda badan tahay, Jawaabtu ma tahay in ujeedooyin qarsooni jiraan oo ku gadaaman samaynta wasaaraddaha cusub iyo isku darka wasaaraddaha qaarkood. Kuwaas oo aan ku falanqayn doono qaybaha dambe ee taxanaheenan.
 
Laakiin si faah-faahsan bal aan shaxankan hoos ku xusab uguga bogano isbar-bardhiga Waddarta Miisaniyadda 5 Hay’addood iy Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
 
….La Soco Qaybo Kale