Hargaysa:-Wasiirka Hawlaha Guud Oo Hay'adda U Diyaar Garoowga Aafooyinka U Dhagax Dhigay Bakhaar Cusub
Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Dhagax Dhigay Saaka Bakhaaro Ay Leedahay Hayadda Ka Hortaga Aafooyinka Dabiiciga Iyo Kaydka Raashinka Qaranka.
Ugu Horen Waxa Madashada Ka Hadlay Shirkadda Ku Guuleysatay Qandaraaska Dhiska Bakhaaraddan, Waxayna Balanqaadeen Inay Udhis Doonaan Qaabka Ugu Wananagsan Tayo Ahaan Iyo Shaqo Ahaanba.
Maareeyaha Hayadda Udiyaar Garawga Aafooyinka Dabiiciga Ah Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Ee Nadfor Mudane Faysal Cali Sheekh Ayaa Umahadceliyey Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Udhisaysa Dhismahan Iyo Shirkadda Ku Guuleystayba, Wuxuuna Tilmaamay In Bakhaaraddan Maanta La Dhagaxdhigayaa Ay Ku Filnaan Doonaan Gobaladda Galbeedka Somaliland.
Maraayeeye Faysal Cali Sheekh Ayaa Ugu Mahadceliyey Wasiirk Hawlaha Guud Guud Sida Ugu Wanaagsan Ee Dhamaan Goboladda Uga Siiyey Xarumo Ay Ku Shaqeeyaan, Maanta Dhismahan Bakhaaradda Udhagax Dhigayo.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Sheegay In Bakhaaradda Noqon Doonaan Qaar Daboola Baahida Kaydka Raashinka Qaran Ee Ay Leedahay Goboladda Galbeedku, Wuxuuna Hoosta Ka Xariiqay In Sannadka Danbe Ka Wasaaradda Ahaan Hayadda Udhisi Doonaan Xarumo Kayd Raashin Qaran Oo Laga Sameeyo Goboladda Togdheer, Saaxil Iyo Awdal.
Wasiirka C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Sheegay In Ka Wasaaradda Ahaan Jeegarayn Doonaan Dhismahan Ilaa Iyo Inta Uu Dhamaanayo, Wuxuuna Sheegay In Wasaaraddu Dhamaan Dhismayaasha Dawladda Mid Kasta Tayadiis Ay Iyadu Masuul Ka Tahay Lagana Xisaabtamayo.
Hargaysa:-Wasiirka Hawlaha Guud Oo Hay'adda U Diyaar Garoowga Aafooyinka U Dhagax Dhigay Bakhaar Cusub
Wasiirka Hawlaha Guud Oo Hay'adda U Diyaar Garoowga Aafooyinka U Dhagax Dhigay Bakhaar Cusub