Hargaysa:-Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Cadadka Lacageed Ee Ku Baxaya Jidka Berbera Ilaa Wajaale Iyo Cidda Bixinaysa

0
Thursday October 25, 2018 - 15:48:49 in by salman abdi
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Cadadka Lacageed Ee Ku Baxaya Jidka Berbera Ilaa Wajaale Iyo Cidda Bixinaysa

    Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Cadadka Lacageed Ee Ku Baxaya Jidka Berbera Ilaa Wajaale Iyo Cidda Bixinaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Cadadka Lacageed Ee Ku Baxaya Jidka Berbera Ilaa Wajaale Iyo Cidda Bixinaysa

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la bilaabo dhismaha jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale oo muhiim u ah dekedda Berbera.


Wasiirka oo la weydiiyay inuu ka waramo halka uu dhismaha jidkaas ee Berbera iyo Wajaale marayo ayaa yidhi "Jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale waa la horumarinayaa.Wasiir Sacad, oo u waramay wargesyska The reporter ee ka soo baxa Addis Ababa, wuxuu sheegay in ilaa hadda lacagta ku baxaysa dhismaha jidkaas oo dhan 90 milyan oo dollar ay bixinayso dawladda UAE, laakiin uu rajo ka qabo in Midowga Yurub iyo Ingiriisku ka qayb galaan.


Imikaba, shirkad ayaa loo xushay inay ka shaqayso nashaqada. Way gabagebeeyeen xog ururinta qaabka jidka. Marka taas la dhammaystiro qandaraaska dhismaha jidka ayaa la baahinayaa.”

 

Wasiirka waxa la weydiiyay bal cadadka lacagta dhismaha jidkaas lagu qiimeeyay inuu yahay boqol milyan oo dollar, waxaanu yidhi "Ilaa hadda 90 milyan oo dollar weeye, laakiin waxay ku xidhantahay xaaladaha oo isbedeli karia.” Ayuu yidhi Sacad.

Mar la weydiiyay inay Itoobiya ku lug leedahay dhismaha jidka Berbera iyo Wajaale, oo ay ka qayb galayso wuxuu yidhi "Imika, lacagta la sheegay waxa bixinaya UAE, waxaanu rajaynayaa in Midowga Yurub ka qayb qaadan doono, sidoo kale Ingiriiska ayaanu rajaynayaa inuu mashruuca ka qayb qadan doono, haddii aanay intasi ku filnaan, Itoobiya ayaanu weydiisan doonaa inay ka qayb qaadato.

Geeska.