Garoowe:-Warmurtiyeedka shirka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ee Garoowe lagu soo gabagabeeyay

0
Thursday October 25, 2018 - 15:51:11 in by salman abdi
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoowe:-Warmurtiyeedka shirka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ee Garoowe lagu soo gabagabeeyay

    War-murtiyeedka shirka oo 15 qodob ka kooban , ayaa waxaa ku cusub dowlad-gobolleedyada inay ku midoobeen xisbi siyaasadeed cusub, waxaa kalo markii ugu horreeysay ay shaaciyeen maamul-gobolleedyada inay dhisayaan ciidamo u gaar ah oo si wadajir ah h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-murtiyeedka shirka oo 15 qodob ka kooban , ayaa waxaa ku cusub dowlad-gobolleedyada inay ku midoobeen xisbi siyaasadeed cusub, waxaa kalo markii ugu horreeysay ay shaaciyeen maamul-gobolleedyada inay dhisayaan ciidamo u gaar ah oo si wadajir ah howlgallo u fuliya.


Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada ayaa warmurtiyeedka ku xaqiijiyay inuusan waxba iska badalin mowqifkii ay xiriirka uga jareen dowladda federaalka,iyagoo cambaareeyay wax ay ku sheegen 'siyaasadda guracan ee ku salaysan burburinta hannaanka federaalka'.

 

Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka inay joojiso faragelinta ay ku heyso dowlad-gobolleedyada.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka: