Gudaaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Hadafyadeedii Ugu Muhiimsanaa

0
Sunday October 28, 2018 - 12:20:48 in by salman abdi
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Hadafyadeedii Ugu Muhiimsanaa

    Gudaaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Hadafyadeedii Ugu Muhiimsanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Hadafyadeedii Ugu Muhiimsanaa Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Hadafyadeedii Ugu Muhiimsanaa.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Somaliland, ayaa Maanta waxay Goysay Dalagga Qamadinta oo sidii loogu Talo-galay uga baxay Banka Tog-wajaale oo Wasaaraddu ka beertay.

 

Qamadinkan oo Wasaaradda Beeruhu beertay muddo 3 Bilood laga joog isla-markaana Qayb ka ah Dalagyada Wasaaraddu ku beertay Mashruuca Banka Wajaale, ayaa waxa Goyntiisa ka qayb-galay Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md. Axmed Muumin Seed, kana mid ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Dr. Axmed Cali Maax, Wasiirrada Wasaaradaha Xanaannada Xoolaha, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley iyo Khuburro ka mid ah Wasaaradda Beeraha.


 

Wasaaradda Beeraha JSL ayaa soo goynta Qamadinkan oo si Tijaabo ah loo beeray waxay u adeegsatay Cagaf Casri ah oo Goynaysa, kalana saaraysa Midhaha, caleenka iyo wixii kale ee la socda, taasi oo aakhirkii Midhihii Qamadinka oo haadsan ku shubtay meel loogu Talo-galay.

Qamadinkan sidii loogu talo-galay u baxay ee la soo gooyey oo Wejiga koowaad u noqonaya Dalagyada Wasaaradda Beeruhu ka qodday Gobollada dalka ee sidii Qorshuhu ahaa u hirgalay, ayaa waxa faahfaahin ka bixiyey Marxaladihii uu soo maray iyo Qorshayaasha horumarinta beeraha ee Wasaaraddu waddo Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, halka Wasiirrada kale ee ka qayb-galay Munaasibaddaasina ay Wasaaradda ku bogaadiyeen dedaalka ay waddo.

 

 Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin in Qamadinkii ay sida Tijaabada ah ugu biireen Banka Wajaale uu sidii loogu talo-galay u soo go’ay isla-markaana ay Maanta la goynayo.

 Wasiir Seed oo u Mahad-celiyey Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha u qaabilsan Mashruuca Banka Wajaale, ayaa sheegay in maaddaama ay ogaadeen in Qamadinku ku wanaagsan yahay dhul-beereedka ay sii wadayaan isla-markaana wax soo-saarkiisa kordhin doonaan, inta Qamadinka ah ee Maanta soo go’dayna Wasaaraddu u isticmaali doonto Siidh ahaan.

 Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in qorshaha koowaad ee Wasaaraddu tahay sidii Somaliland u gaadhi lahayd isku-filaansho dhanka Cuntada ah, si looga maarmo Cuntooyinka dibedda laga soo waarido, sidaa darteedna ay Dadweynaha ku dhiiri-gelinayaan inay cunaan Cuntada Waddanka ka soo go’da.

 Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Dr. Axmed Cali Maax oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi "Maanta waxaanu joognaa Qaybta Qamadinka ee Banka Wajaale, Qamadinkani wuxuu ku soo baxay 2 bilood iyo 28 Maalmood, sidaa darteed halkan waxa jooga Mishiinkii (Cagaftii) goynaysey.”

 Wasiirrada Wasaaradaha Xanaannada Xoolaha, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo iyaguna halkaa ka ka hadlay ayaa Wasiirka, Agaasimaha guud iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan in Dalku gaadho isku-filaansho dhanka Cuntada ah.

 

 

 

ugu dambayn, Waxa xusid Mudan inuu Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Xubnaha kale ee Xukuumadda ka socday uu halkaa ku soo dhaweeyay Maareeyaha Mashruuca Wajaale u qaabilsan Wasaaradda Beeraha Mowliid Xasan Cabdi.