Turkiga:Madaxweynaha Turkiga Oo Codsi U Diray Dacwad Oogaha Dalka Sucuudiga

0
Wednesday October 31, 2018 - 11:01:20 in by salman abdi
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga:Madaxweynaha Turkiga Oo Codsi U Diray Dacwad Oogaha Dalka Sucuudiga

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dacwad oogaha guud ee Sucuudiga inuu baaritan ku sameeyo ciddii uu kasoo fulay amarka ah in la dilo weriye Jamaal Kaashogji.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dacwad oogaha guud ee Sucuudiga inuu baaritan ku sameeyo ciddii uu kasoo fulay amarka ah in la dilo weriye Jamaal Kaashogji.



Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli dacwad oogaha guud ee Sucuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.Erdogan wuxuu sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga laga doonayo inuu shaaca ka qaado ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamaal Khaashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.

Dilka weriyaha kaddib, Sucuudiga wuxuu xabsiga dhigay dad lagu tuhunsan yahay dilka iyo sidoo kale waxaa shaqada laga ceeyriyay saraakiil sar sare.


>Balse mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Jamaal Khaashogji.

 

 

 

Source:-VOA