Maxaa loo fasiran karaa isla xisaabtan la'aanta xadgudubyada

0
Friday November 02, 2018 - 08:40:02 in by salman abdi
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa loo fasiran karaa isla xisaabtan la'aanta xadgudubyada

    Maxaa loo fasiran karaa isla xisaabtan la'aanta xadgudubyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa loo fasiran karaa isla xisaabtan la'aanta xadgudubyada

Iyadoo maanta, 2-da bisha Nofeembar dunida looga aqoonsaday maalinta soo gabagabaynta xisaab la'aanta dadka xadgudubyada u gaysta weriyayaasha ayaa Soomaaliya oo ka mid ah meelaha ugu khatarta badan caalamka ee weriyayaashu ka shaqeeyaan, waxaanan jirin cid xil iska saarta soo gole joojinta danbiilayaasha u bareera tacaddiyada ka dhanka ah suxufiyiinta.

Muddo aad u dheer, weriyayaal badan oo Soomaaliya ka shaqaynayay ayaa la kulmay dil, dhawaac, xarig iyo handadaad joogta ah oo shaqadooda ka dhan ah.

Sidoo kale waxa jira xarumo warbaahineed oo shaqada laga joojiyay.

Haddaba sidee cadaaladda loo horkeeni karaa dadka xadgudubka joogtada ah ku haya weriyayaasha, su'aashaasi iyo kuwa kale ayaannu hordhignay tifaftiraha raadiyaha Goobjoog Axmed-weli Xuseen Maxamuud iyo Faadumo Sheekh Cabdillaahi oo ah weriye ka shaqeysa Soomaaliya, waxa ay u warrameen weriyahayaga magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aaden, waxaa hadalka ku hormaray weriye Axmed-weli.