War Deg Deg Ah:-Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya Oo isku Casilay ka Qeybgalka Doorashada Koonfur Galbeed.
Waxaa goor dhaw ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasiirka Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Ibraahim Lafta-Gareen
''Waad ogtihiin sharuudaha musharixiinta laga doonayo waxaa ka mid ah qof xil haya uusan ka mid noqon karin musharixiinta u taagan xilka sidaa daraadeed ayaan ku dhawaaqayaa maanta in aan iska casilay xilkii Wasiirka Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha xukuumadda Soomaaliya'' ayuu yrii Lafta Gareen,
Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa warar hoose oo soo baxaya sheegayaan in uu ka socdo dhinaca dowladda federaalka, waana mid ka mid ah musharixiinta loogu hadal heynta badan yahay marka laga soo tago Shariif Xassan Sheekh Aadan oo imika tallada haya.
Xidhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya laakiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa beeniyay dhinacooda in uu jiro musharax ay wadato dowladda federaalka oo ka qeybgalaya doorashada la filayo in ay dhacdo 17bisha.